4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2016
Caalamka Islaamka oo CAAWA looga Dhawaaqay in Berri ay Tahay Maalinta 30-aad ee Ramadaan


Isniin, July 04, 2016 (HOL) — Iyadoo guud ahaan Caalamka Islaamka ay Caawa si weyn isha ugu wada-haween bilashada Bisha Shawaal, ayaa ugu dambeyntii loo gartay maalinta beri ah in tahay maalinta 30-aad ee bisha Ramadaan, madaama la waayay meel laga arkay bisha.

Maxkamada sare ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqday maqribnimadii caawa in maalinta berri ah tahay maalin soon ah, Arbacada nagu soo foolka lehna tahay maalinta 1-aad ee ciidul-fidriga.

Sidaas si la mid ah Dowladda Federaalka Somalia, ayaa sheegtay in berri ay tahay Maalin Ramadaan ah, taasoo ka dhigan in Arbacada uusan wax muran ah ka taagneyn in ay tahay maalin ciid ah, maadaama 30-ka Ramadaan la kaamil yeelay.

Ugu dambeyn, Inkastoo Dowladda Sucuudiga ku dhawaaqday arrintaan, haddana shacabka Soomaaliyeed, ayaa iyagana galinkii hore ee maantaba sii Saadaalinayay in maalinta Berri ah ay tahay Maalin Ramadaan, Madaama Sanadkii hore Bisha Ramadaan ku dhamaatay 29 maalmood, taasoo macnaheedu noqonayo in sanadkan ay tahay in la buuxiyo 30ka bisha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya