4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2016
Tartanka Qur’aanka Bisha Ramadaan oo lagu soo Gunaanaday Dalka Koonfur Afrika (SAWIRRO)


Isniin, July 04, 2016 (HOL) —Tartankan Qur’aanka Kariimka ah oo ahaa kii afaraad oo ay soo Qaban-qaabiyeen Golaha Culummada Soomaaliyeed ee Al-bayaan ee Dalka Koonfur Afrika oo sannad walba bisha Ramadaanka la qabto, ayaa lagu soo gunaanaday Masjidka Imaamu Shaafici ee Magaalada Johannesburg.

Waxaa tartankan ka Qayb-galay 12-dugsi Qur’aan oo ka kala socday illaa Toddobo gobal oo ka mid ah Sagaalka gobal ee Waddanka Koonfur Afrika, iyadoo ardaydii tartankan ka qayb-galay ay ku tartameen Juska Koowaad, Shanta Jus, 10-ka Jus, 15-ka Jus iyo 30-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah.

Sidoo kale, Tartanka ayaa waxaa daadihinayay culummo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, waxayna ardayda weydiinayeen su'aalo u diyaarsanaa hab ku dhisan nasiib oo ay Ardayda tiro Qabsanayeen.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Tartanka Qur’aanka Bisha Ramadaan ee Sanadkan 2016-ka, Sheekh Cali Towxiid oo ka Hadlay Gaba-gabadii Tartankaan, ayaa ka warbixiyay Marxaladihii lagu soo kala qabtay tartankan guud oo ay billaabeen sannadkii 2012-kii, lana qabtay Sannadihii 2014-kii iyo 2015-kii iyo Sannadkan 2016-ka oo ah midkii Afaraad.

Sh. Towxiid, wuxuu sheegay inay Tartamadaan ay Sahli karaan in ay Heer Qaran oo Dalka South Africa ah Ardaydu u soo gudbaan, ayna ku Guuleystaan in ay ka Qayb-galaan kuwa Caalamiga ah iyo midka lagu qabto Sannad walba Boqortooyada Sacuudiga.

Dhanka kale, Amiirka Golaha Culummada Soomaaliyeed ee Al-bayaan Sh. Xasan Guure oo isagana ka hadlay Gunaanadkii Tartanka Qur’aanka, ayaa ALLE ka sokoow u mahad-celiyay intii suuro-gelisay inuu Tartanku Qabsoomo oo isugu jiray Maamul, Macallimiin, arday, Waalidiin iyo ganacsato, isagoo xusay in Tartamada noocaan oo kale ah ee carruurta loo qabto ay sare u qaadi karaan Dadaalkooda Brashada Diinta, iyadoo bisha Ramadaan ee lagu jirana ALLE uu ajar ka siinayo intii ka qayb-qaadatay.

Ugu dambeyn, Tartankan Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan loona qabtay qaar ka mid ah Madaarista ay Soomaalidu leedahay Koonfur Afrika, ayaa waxaa Gabagabadiisii la abaal-mariyay ardaydii kaalmaha ka gashay iyo kuwii ka qayb-qaatay, waxayna culumadii garsoorka ahaa iyo guddigii qaban-qaabada ku dhiirri-geliyeen inay dadaalka ay muuiyeen halkiisa kasii wadaan.

Mahad maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika