4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2016
GOBOLKA BAY: Ciidamada Dawladda Somalia oo la Wareegay Deegaanno Cusub

Isniin, Luuliyo 04, 2016 (HOL)-Wararka ka imaanya Gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada dawlada federaalka ah ay maanta oo Isniin ah kala wareegeen goobo cusub xarakada Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa wararku intaas ku darayaan in wax dhiig ah uusan goobahaa ku daadan wax iska hor imaad ahna uusan ka dhicin.

Warkaan ayaa yimid ayadoo un maalin ka hor xarakada Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Rabdhuure ee gobolka Bakool kadib markii ay ka baxeen ciidamada dawlada iyo AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya.

Si kastaba, ma jiraan wax warar ah oo rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaab oo kusaabsan wararka sheegaya in ciidamda Dawlada ay maanta la wareegeen deegaano gobolka Baay ka tirsan.

Soomaaliya ayaa waxaa kasocday colaado wajiyo badan yeeshay 25 sano muddo ka badan kuwaasoo soo bilowday sanadkii 1991 markii dagaalka sokeeye uu dalka ka bilowday.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]