4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2016
Wariye Wadne Xanuun Maanta ugu Geeriyooday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Isniin, July 04, 2016 (HOL) — Waxaa Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne si Lama

filaan ah ugu geeriyooday goor-dhaw oo maanta ah Wariye Siraaji Cumar Cabdi oo ka mid ahaa Wariyayaasha ka howlgala gobolka Hiiraan.

Allaha u naxariisteen, Wariye Siraaji ayaa mar kaliya la sheegay in Wadanaha laga qabtay, kaddibna waxaa loo qaaday Isbitaalka si loogu daweeyo, balse waqti kooban kaddib halkaa ayuu ku geeriyooday wariye Siraaji oo waayadii ugu danbeeyay ka howlgali jiray xarunta Idaacada dowladda Radio Muqdisho ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, Wariye Siraaji ayaa kasoo shaqeeyay Xarummo kala duwan oo Warbaahineed, wuxuuna agaasime ka noqday Idaacadda Star FM ee magaalada Beledweyne.

Waxaan leenahay Allaha u naxariisto Wariyaha Siraaji.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya