4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2016
RW Sharma'rke oo la kulmay Boqorka Sucuudiga & Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Amniga Xajka


Isniin, July 04, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku jooga magaalada barakeysan ee Makka ee Jeddah - ayaa kula kulmay Boqorka Sacuudiga, boqor Salmaan bin C/casiis.

Wadahadal dhex-maray Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo boqorka Sucuudiga, waxaa lugu soo qaaday Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan.

Sidoo kale, Kulankaan labada mas’uul ayaa la iskula meel-dhigay inay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya iyo Sacuudigu ay xoojiyaan aragtidooda ku aaddan danahoda gaarka ah iyo kuwa guud ahaaneed ee dalalka Islaamka.

RW Sharma’arke ayaa sidoo kale magaalada Makka kula kulmay, taliyaha ciidanka gaarka ah ee Xaramka, Jen. Maxamed Al-Axmadi, kaasoo ay ka wada hadleen Xaaladda guud iyo arrimaha Xajka.

Dhanka kale, Socdaalka RW Somalia ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay inay tahay Cimro uu halkaas u tagay, balse uu fursad u helay inuu boqorka kula kulmo Magaalada Barakeysn ee Makka.

Ugu dmbeyn, RW Sharma’arke ayaa waxaa Safarkaan ku Wehlinaya, Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Caynte iyo Mas’uuliyiin kale oo ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya