4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2016
Arday ku Tartamay Akrinta Qur’aanka oo Abaal-marinno lagu Guddoonsiiyay Muqdisho (Sawiro)


Isniin, July 04, 2016 (HOL) —Tartan Qur’aan Kariimka ah oo y ku Tartamayeen Ardayda Jaamacadda Muqdisho - ayaa Ardaydii ku guuleystay la guddoonsiiyay abaal-marinno kala duwn, waxaa kaloo la abaal-mariyay ardydii kaalimaha hore galay ee ay Waxbarashadooda Kafaallo qaadday Hay'adda Qatar Charity.

Goobta waxaa ka hadlay madaxa ardayda Jaamacadda Muqdisho Maxamuud Sheekh Cali oo ka warbixiyay munaasabadaha ay kulansatay xafladii shalay, waxaana tartankan uu ahaa mid sannad walba loo qabto ardayda ayna ku kala tartamaan Deeqaha Waxbarasho, iyadoo barnaamijkan uu soo bilawday Furitaankii Jaamacadda Muqdisho ayna ka faa’iidaysteen Arday badan oo xafidsan kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Waxaa kaloo shalay la guddoon siiyay Abaal-marin Qiimo badan Ardayda Kaalmaha ka galay Jaamacadda Muqdisho ee ay Kafaala qaaday hay’adda Qatar Charity.

Maxamed Macalin Aadam oo ka socday Hay’adda Qatar Charity ayaa isagana u hambalyeeyay ardayda ay Kafaala Qaadday Hayádda Qatar Charity oo uu sheegay inay sii hormariyaan dadaalkoodana ay labalaabaan.

Sidoo kale, Mar uu ka warbixinayay wax-qabadka Hay’adda Qatar Charity, ayuu sheegay in hawlo ballaaran ay qabatay dalka, mustaqbalkana ay hawlo kuwaan kasii waawayn ay qabanayso.

Aadam Axmed Xuseen (Xerow) oo isna ka mid ah Masúuliyiinta Jaamacadda Muqdisho, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda ku tartamay Qur’aanka Kariimka ah, wuxuuna u rajeeyay inuu Illaahay siiyo carrab-toosan iyo niyad qoyan, wuxuuna ku amaanay sida qiimaha badan ee ay tartanka Quráanka Kariimka uga qayb-galeen, isagoo kula dardaaramay inay waxbarashada si aad ah ugu tafa-xaytaan oo ay guulo la taaban karo ka garaan.

Ugu dambeyn, Tartankan oo ahaa mid muddo soo socoday ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan, arday iyo waaliddiin, wuxuuna ku soo dhammaaday jawi Qurux badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya