4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2016
SAWIRRO: Diyaar-garow Xooggan oo loogu jiro Ciidul-Fidriga oo ka socda Magaalada Muqdisho


Isniin, July 04, 2016 (HOL) — Muqdisho ayaa waxaa ka socda diyaar-garow xooggan oo ay shacabku ugu jiraan maalinta ciidda oo nagu soo fool leh. Waxaana Mashquul xooggan laga dareemayaa Suuqyada Muqdisho sida Bakaaraha, Xamar-weyne iyo Suuq Bacaad.

Dadweynaha, ayaa waxay iibsanayaan Dharka Ciidda iyo Sidoo kale macmacaanka ay ka mid yihiin Xalwada, waxaana suuqyada buuxiyay carruur iyo haween iibsanaya dhar kala duwan.

“Suuqan, waxaan u imid inaan carruurteyda u iibiyo dhar ay ku ciidaan, runtii dhar badan ayaa suuqa la keenay… waanan ku jah-wareernay; waxaase noo dheer taas ciriiriga suuqa iyo mashquulka goobaha dharka lagu iibiyo,” ayay tiri Aniso Cumar oo ah Hooyo dhashay Afar Carruur ah.

Sidoo kale, Hooyooyin kale oo dhwr ah ayaa iyaguna ka cabanayay Ciriiriga ka jira Suuqa Bakaaraha, iyagoo xusay in sannadkan uu dharku ka qaalisan yahay sannadihii hore.

“Gabdhaha iyo Wiilasha maanta waxaa kharash badan Gabdhaha… Waayo Dharka Ciidda ee gabadhaha ayaa aad qaalli u ah,” ayay tiri Hooyo kale oo lagu magacaabo Canan Faarax oo lix carruur ah dhashay.

Dhanka kale, Gobaha ciriiriga badan laga dareemayo ayaa waxaa ka mid ah; goobaha mac-macaanada laga iibsado, tima-jarayaasha iyo kuwa lagu qurxiyo dumarka, halkaas oo Dad badan ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeyn, Ganacsatada - ayaa iyaguna sheegay inay shaqeeyaan in ka badan saacidihii ay Shaqeyn jireen, si ay Macaamiishooda Wax uga iibiyaan, waxayna sheegeen in ciiddaan aad mooddo inay ka dad badan tahay kuwii ka horreeyay marka loo eego Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya