4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2016
Qaar Katirsan Qaxootiga Dhadhaab oo Lagu Celinaayo Soomaaliya Maanta

Isniin, Luuliyo 04, 2016 (HOL)-Waxaa lagu wadaa maanta in dib loogu celiyo qaar ka tirsan qaxootiga Soomaalida ah ee Dhadhaab dalkooda Soomaaliya.

Dadkaa ayaa gaar ahaan waxaa lagu wadaa in la geeyo caasimada Muqdisho. In dhawaaleba waxaa socotay celinta qaar ka mid ah qaxootiga halkaa kunool ee Soomaalida ah.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in shalay qaar kale oo qaxootigaa ka tirsanaa lagu celiyay Soomaaliya.

Qaxootiga la celinaayo ayaa waxaa la siiyaa haatan lacago gacan qabsi ah markii Soomaaliya dib loogu celinaayo

Sanadkii 2013, dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo heyada qaxootiga ee UNHCR ayaa wada saxiixday heshiis ah in Soomaalida qaxootiga halkaa ku ah si tartiib ah oo aan qasab ahayn loogu caawiyo inay dalkoodii hooyo dib ugu laabtaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.