4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2016
3 Maamlmood oo Baroor Diiq ah oo Ka Bilaabatay Ciraaq

Isniin, Luuliyo 04, 2016 (HOL)-Kadib markii shalay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa magaalada Baqdaad ay ku dhinteen in ka badan boqol qof dawlada Ciraaq ayaa ku dhawaaqday baroor diiq qaran in muddo saddex maalmood ah la sameeyo.

Shalay gaari xamuul ahaa oo laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa lala eegtay masaajid ay kutukadaan dadka Shiicada ah halkaa oo lagu qarxiyay kasokow dadkaa boqolka tiradoodu dhaaftay maahee sidoo kalena waxaa dhaawac ah in ka badan 150.

Dadka dhintay badankoodu aad ayay u gubteen oo suuradoodii ayaa si loo garto la waayay.

Fallaagada Daacish ayaa qaraxaa sheegatay inay ka dambeysay.

Raisul wasaaraha Ciraaq Xaydar Al Cabaadi ayaa isku dayay inuu booqdo halka falkaasi gurracan uu ka dhacay laakiin gaarigiisii ayaa la dhagaxyeeyay.

Tan iyo shalay ilaa tan iyo xalay ayaa la kala guraayay dhaawaca iyo meydadka.

Dalka Ciraaq ayaan qaraxyo, dagaalo iyo dilal ka bixin tan iyo sanadkii 2003 markii la af gambiyay dawladii Saddaam Xuseen.