4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2016
Qof Isku Qarxiyay Gudaha Dalka Sacuudiga

Isniin, Luuliyo 04, 2016 (HOL) - Nin ismiidamshay ayaa weerar kusoo qaaday saaka aroor hore meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Sida laga soo xigtay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Sacuudiga ninkaa ayaa la sheegay inuu is qarxiyay markii ciidamo nabad sugid ah ay dhankiisa usoo dhaqaaqeen asagoo markaa gaarigiisa kujiray meel gawaarida la dhigo.

Ninkii isqarxiyey ayaa la sheegay in uu goobtaas ku dhintay, labo askarin oo ka tirsan ciidanka nabad sugidda ayaa halkaas ku dhaawacmeen.

Gawaari badan oo halkaa ka ag dhawaa ayaa waxyeelo soo gaadhay.

Af hayeen u hadlay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa sheegay in ninkaasi ay ka shakiyeen askartu markii ay dareemeen in si geyru caadi ah uu u dhaqmaayay asagoo kusugnaa meel aad ugu dhow safaarada Mareyknaka.

Dhacdadaa ayaa timid ayadoo shalay un qarax ka dhacay magaalada Baqdaad ee Ciraaq ay ku dhinteen dad tiradoodu sare u dhaaftay 100 qof.

Gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu qarxiyay meel u dhow masaajid dadka Shiicada ah ay ku tukadaan.

Dhimashada ayaa inta la xaqiijiyay haatan gaadhay 124 qof halka 186 qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Dalka Ciraaq ayaan rabshado loo caal waayay ka bixin tan iyo sanadkii 2003 markii la riday dawladii Saddam Xuseen.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]