4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2016
Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dib ula Wareegay Deegaan ka tirsan Gobolka Bakool


Axad, July 31, 2016 (HOL) — Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ayaa dib ula wareegay Deegaanka Garas-weyne ee Gobolka Bakool, kaddib Al-shabaab ay Toddobaadkii hore qabsatay.

Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Maxamed Macallin, ayaa sheegay in hawl-gallo ay ka sameeyeen Deegaanka Garasweyne ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo aanu magaciisa sheegin.

Sidoo kale, Maxamed Macallin wuxuu xusay in dagaalkan uu ahaa mid culus, isla markaana ciidanka Maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa AMISOM ay jabiyeen xoogaggii Al-shabaab ee deegaankaan ku sugnaa.

Macallin oo sii hadlayay ayaa xusay in hawl-gallo laga sameeyay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Bakool in Al-shabaab ay ku haysay dhibaatooyin, balse qaarkood laga fara-maroojiyay kuwo kalena ay socdana sidii looga saari lahaa.

Dhanka kale, deegaanka Garasweyne oo Qiyaastii 50-KM u jira Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxaa saldhig u ahayd ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM, kuwaasoo todobaadkii hore ka baxay, Al-shabaab ayaana gudaha u gashay.

Ugu dambeyn, Ciidamada Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay banneeyay tiro fariisimo ah oo ay ku lahaayeen gobolka Bakool, kuwaasoo markiiba ay la wareegtay Al-shbaaab.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya