4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2016
Kenya: Biyo La'aan Ka Jirta Degmada Isolo

Axad, Luuliyo 03, 2016 (HOL)-Biyo la'aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa degmada Isolo ee gobolka Bari ee dalka Kenya.

Degmadaa ayaa waxaa daga dad badan oo xoolo dhaqato ah Soomaaliduna ay ka mid tahay dadkaas oo dhaqda ariga, geela, iyo lo'da.

Dadkaa ayaa haatan waxaa soo food saartay biyo la'aan ba'an ayaga iyo xoolahooda.

Dadka ayaa meelaha qaar waxay safaf dhaadheer u galaan biyo. Hada inkasta oo ay arintaan soo cusboonaatay deegaanada qaar waxay biyo la'aantu ka jirtay bilo dhowr ah ka hor degmadaa.

Haatan ayaa waxaa mas'uuliyiin ka tirsan degmadaa waxay wadaan dadaalo lagu qodaayo waro dadka iyo xooluhu ay biyo ka helaan.

Si kastaba ha ahaaee, dadka deegaanka ah ayaa waxay ku baaqayaan in loo badiyo ceelasha biyaha laga cabbo gaar ahaan kuwo casri ah.

Waxaa dadkaasi deegaanka ah ay khaasatan ku baaqayaan in meelaha dhul daaqsinka ah looga qodo ceelal biyo oo casri ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.