4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2016
Dawlada Imaaraadka oo ugu Baaqday Ragga Dalkaa inaysan Xiran Khamiisyada Markii ay Dibada Ku Maqanyihiin

Axad, Luuliyo 03, 2016 (HOL)-Dawlada Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ugu baaqday  ragga dalkaas inaysan xiran khamiisyada iyo cimaamadaha oo ay u badan yihiin isla markaana ay jecel yihiin markii ay dalkaa dibada uga maqan yihiin.

Arintaa ayaa timid kadib markii Muslim nacayb uu dhashay ayadoo Muslimiinta haatan lagu heysto inay qaraxyo geystaan walow kaligood aysan ahayn waxa qaraxyada geysta ama falalkaa ku kici kara.

Dabcan dadyow aan Muslimiin ahayn ayaa maalin walba falal aan mujtamaca caalamka u rooneyn ku kaca.

Si kasta ha ahaatee, waxaa ragga Imaaraadka Carabtu aad u jecel yihiin khumsaanta iyo cimaamadaha maadaama ay dharka dhaqanka ee dalkaa ay yihiin.

Baaqaa ayaa dawlada Imaaraadku soo saartay kadib markii dhawaan dalka Mareykanka lagu xiray nin khamiis ku labisnaa.

Ninkaa ayaa waxaa xiray booliska gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Arintaa ayaa timid kadib markii shaqaalaha hoteelku ka shakiyeen.