4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2016
Qaraxyo ay ku dhinteen 90 Ruux oo ka dhacay Magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq (SAWIRRO)


Axad, July 03, 2016 (HOL) — Qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 90 qof halka tiro kale oo ka badan 170 ruuxna ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Qaraxii koowaad oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku taalla xaafad lagu magacaabo Karada ee bartamaha caasimada Baqdaad, kaasoo sababay khasaaraha ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca.

Sidoo kale, Qaraxa labaad ayaa ka dhacay meel Wqooyiga caasimadda Ciraaq ee Baqdaad ku taalla, kaasoo galaaftay nolasha afar ruux.

Weeraradan, ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu xooggana oo xiliyadii u dambeeyay soo mara Baqdaad ayaa waxaa sheegtay kooxda ISIS/Daacish.

Ugu dambeyntii, Qaraxyadaan ayaa lagu soo beegay todobaad kaddib markii ay Ciidamada Ciraaq magaalada Faluuja kala wareegeen kooxda Dowladda Islaamiga isku magacaawday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya