4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2016
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Xilkii ka qaaday Wakiilkiisii gobolka Saaxil & jawaabta Cali Gurey


Axad, July 03, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga, Rooda Axmed Yaasiin, waxaanu ku eedeeyey inay ku Xudgudubtay siyaasaddii xisbigooda, isla markaana ka afkaar dawunataay guddoomiyaha.

Inj. Faysal Cali Waraabe - ayaa sheegay in Roodda Axmed Yaasiin ay eedeen aan jirin ku eedeeysay dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadeedda DP World, taasina ay keentay buu yidhi in Imaaraadku ka cawdo hadaladda xanafta leh ee warbaahinta u marinayso.

Sidoo kale, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu taageersan shirkadda Dp World ee maalgalinaysa dekadda Berbera,haseyeeshe, gudoomiyaha xisbigiisa ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed ayaa iyaduna ka mid ah xubnaha siyaasiyiinta ah ee sida adag uga hadasha kana soo horjeedda shirkaddaasi.

Rooda Axmed Yaasiin ayaa sheegtay in aanu gudoomiyaha UCID xilka ka qaadi karin, isla Markaana aanay isaga laftiisa u Aqoonsanayn gudoomiye maadaama oo uu ku Xad-gudbay sharciga xisbiga, isla markaana mudadii xilkiisa ay sheegtay in bari hore dhamaatay.

Hase yeeshee, Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID, Cali Guray ayaa qoraalka uu Guddoomiye Faysal Cali - Xilka kaga qaaday Rooda Axmed Yaasiin ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

“Waxba kama jiraan Warqadda Dabayluhu wataan Gobolka Saaxil, iyaga ayaa xaq u leh inay gudidooda doortaan. Talaabadan iyo kuwii horeba isagaa iska qoray. Shakhsi UCID ah oo Gobolka Saaxil ah oo ogolaanayaa ma jiro waayo wax talo ah oy ku leeyihiin ma jirto Xeerka UCID-na ma waafaqsana. Bal u fiirso xataa midabka astaanta UCID sax maaha. Bal aan eegno Mushruuca burburinta Xisbiga UCID ee Qandaraaska uu kusoo qaatay inta uu socdo. Faysal wuxuu leeyahay; UCID waa Aniga ee Anigu UCID ma ihi taasina wax shaqaynayana ma aha, inuu qof keligii xisbi noqdo. Taariikhda markii horeba madoobayd ee ina Cali Waraabe tanna waxay ka dhigtay haduu sii go’ay," ayuu yidhi Cali Gurey oo xil ka qaadista Roodda Axmed Yaasiin ka hadlayey.

Waxaanu intaas raaciyay "Ninka xisbi hogaamin kari waayay ee qaran inu hogaamiyo ku taanayaa wuxu ka dhigan yahay kii adhiga raaci kari waayay ee yidhi aan geela raaco. Faysal maqal laguma aamini karo. Dawladan malaha waxay ahayd in la yidhaa Dawladii Burburinta Xisbiyada Qaranka taas macnaheedu wuxu noqonayaa inay cadow u tahay dhismaha qarannimada Somaliland hadii aanay ka ahayn caqligaabnimo."

Ugu dambeyn, Khilaafkii Xisbiga UCID ayaa wali taagan, iyadoo Guddida diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda - ayaan wali soo saarin Natiijadii ay ugu garnaqaysay labada garab ee xisbigu u kala jabay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland