4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2016
Kenya oo billowday inay dib u celiso Qoxootiga Soomaliyeed ee ku Dhaqan Xeryaha Dhadhaab


Axad, July 03, 2016 (HOL) — Xukuumadda Kenya, ayaa si Rasmi u billowday shalay inay Dalkooda dib ugu celiso Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Gobalka Waqooyi-Bari dalka Kenya.

Qaxooti tiradoodu ahayd; 180 Ruux oo ah kuwii ugu Horreeyay ayay Xukuumadda Kenya Gaadiid ku daabushay, Waxayna geysay Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, si looga sii gudiyo meelihii ay markii hore ka yimaadeen.

Hay’adda UNHCR, ayaa la sheegay in Qoxootiga lasoo gaarsiiyay deegaanka Dhoobley ay u diyaarisay Gaadiid Halkaasi kasii qaada, Waxaana taallabadan ay kusoo beegmaysaa xilli Xukuumadda Kenya ay shaacisay in Bisha November ee Sanadkan 2016-ka, ay Albabada u laabayso xeryahan.

Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax oo la hadlay Warbaahinta ayaa u Sheegay in markii ugu Horreysay ay Xukuumadda Kenya Billowday in ay Qaxooti Soomaaliyeed dib ugu celiso dalkooda.

Sidoo kale, Xiriiriyaha ayaa hadalkiisa ku daray, in Qaxootigaas ay si iskood ah u doorteen inay dib ugu laabtaan Waddankooda Soomaaliya intii ay Xeryahaan Qoxooti la caawiyo ku sii ahaan lahaayeen.

Dhanka kale, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR, ayaa iyadana Waxay xustay in Qoxootiga ku laabanaya Soomaaliya ay siineyso lacag sahay ah oo ku tagayaan dalkooda.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa horay u shaacisay in labada bishaan oo ku beegneyd shalay ay billaabeyso dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab, Waxaana muuqata in Dowladda Kenya ka dhabeysay go’aankeedii ahaa inay Qoxootiga ku Nool Xeryaha Dhadhaab dib ugu celinayso Waddankooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya