4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2016
FAADUMO DAYIB: Haddii aan guuleysto waxaan Al-shabaab la furi doonaa Wadahadalo Nabadeed


Axad, July 03, 2016 (HOL) — Haweeneyda keliya ee isku soo sharraxday inay u Tartanto xilka Madaxweyennimo ee Somalia Doorashada dhacaysa dhamaadka sannadkan 2016-ka, Faadumo Dayib ayaa sheegtay inay Wada-hadallo nabadeed la furayso Al-shabaab, Haddii ay ku guuleysato Hoggaanka Soomaaliya.

Faadumo Dayib, ayaa sheegtay inay tani ka mid tahay Rajooyinkeeda gaarka ah, haddii loo doorto Madaxweynaha Somalia, waxaana Haweeneydan oo ku nool Waddanka Finland, ay hadalkan ku sheegtay wareysi siisay Shabakadda Okay Africa.

Su’aalihii la weydiiyay Dayib ayaa waxaa ka mid ahaa; Waa maxay aragtida ka dambeysan oo kugu dhiiri-gelisay inaad isku soo taagto tartaanka xilka Madaxweynenimo ee Somalia? iyadoo ku jawaabtay.

“Way iga go’an tahay in aan sameeyo, xitaa haddii ay macnaheedu tahay dhimashadeyda, maxaa yeelay waa hawl aan bulshada u qabanayo. Tani waa waajib i saran inaan xaqiijiyo in Waddankeennu uu noqdo goob ammaan ah. Waayo is-beddelka aan raadinayo waa mid innaga naga tarjumaya. Waana sameyn doonaa hawshaas.”

Faadumo Dayib, Waxaa kaloo la Weydiiyay, Maxay dadka Soomaaliyeed kaa Fili karaan, haddii aad noqoto Madaxweynaha soo socda? Waxayna ku tiri. “Markii aan go'ansanayay Qorshaygan, dadku waxay i weydiiyeen, maxaad Somalia ugu laabanaysaa? Waxaana ugu Jawaabay… Anigu ma doonayo in aan lacag ka helo, Balse Waxaan doonaynaa in aqoonta aan leeyahay aan uga faa’iideeyo bulshadeyda… Anigoo wax ka qaban doonaa arrimo fara badan.”

Sidoo kale, Waxay hadalkeeda ku dartay, inay ka go’nayd mar walba inay Somalia dib ugu laabanayso Maalin ka mid ah Maalmaheeda, iyadoo intaas ku dartay in ay Rajeynayso inay Noqoto Hoggaamiyihii ay Soomaalidu mar kale dib ugu midoobi lahaayeen, Dalkana uu ku hagaagi lahaa, dadkeyguna aad ayay ugu riyaaqeen go’aankeyga.

Waxaa kaloo Faadumo Dayib la weydiiyay mar kale… Miyaadan nafsiyan u arkayn in dib ugu laabashada Soomaaliya ay tahay mid Khatar ah? Waxayna kaga Jawaabatay. “Maya… Waxaa ii muuqda fursado badan… Waxaan arkayaa barwaaqo, sidoo kale waxaan arkayaa in dalku uu dhanka nabadda ku socdo… Waxaan kaloo aan arkayaa Soomaalida oo rajo ka qaba inay ku noolaadaan si sharaf leh oo wnaagsan… Waana wax maalin walba iyo habeen kasta ii muuqanaya… taasoo ah tan igu dhiirri-gelisay inaan dib ugu laabto Wadankeyga… Haddii Soomaaliya ay fursad hesho waxaan hubaa inay noqon doonto dalka Afrika oo dhan ugu wanaagsan.”

Su’aalaha kale ee la weydiiyay Faadumo Dayib waxaa ka mid ahaa sida ay Wada-hadallo ula furayso Al-shabaab oo ah Koox xiriir la leh Ururrada Argagaxisada Caalamka? Iyadoo kaga jawaabtay. “Al-shabaab, Waa koox sii xoogaysanaysa, waayo xukuumaddu waa mid Musuqmaasuq uu hareeyay. Mana aysan kasoo bixin Shaqadeedii, Maxaa yeelay ma aysan adkeyn amniga, Shaqooyin ma abuurin, Shacabkeedana uma shaqeyso. Sidaa daraadeedna, Al-shabaab Tallaabooyin ayay horay u Qaadday, waxayna kasbatay shacabka, iyadoo isku dayaysa inay u qabato shaqooyinkii looga baahnaa Xukuumaddu inay Dadka u qabto.”

Murashaxadda ayaa Waxaa la weydiiyay, Nooca Wadahadalada ay la galayso Al-shabaab. Iyadoo ku jawaabtay. “Talaabada u horreysa waa in aan ugu yeero miiska nabadda, haddii ay doonayaan inay hubk dhigaan, inay Dilalka shacabka joojiyaan iyo inay xiriirka u jaraan kooxaha argagxisada ah. Markii ay saddexdaa arrimood fuliyan, ayaanu la fariisan doonnaa oo aan la Furi doonaa Wada-hadallo Nabadeed. Waxaana kala Hadlaynaa in ay baabi’iyaan magacooda ah Al-shabaab. Markaas kaddibna waxaan qaadi doonaa Tallaabooyinka gaarka inoo ah.”

Dhanka kale, Faadumo Dayib waxay sheegtay inaan la isku doorsan karin in 12-milyan oo Soomaali ah ay dhintaan iyo Wadahadallo lala galo boqollaal qof oo Al-shabaab ah, haddii la is-fahmana waxaa gaari doonnaa guul weyn oo lagu badbaadiyo nolosha malaayiinta qof ee Soomaalida ah.

Ugu dambeyntiina, Waxay sheegtay in Ciidamada AMISOM aysan awood u lahay in ay la wareegaan deegaanada ay Al-shabaab haysato iyadoo ay ku baxyso lacag aad u fara badan, Sidoo kalena waxay sheegtay in la arkayo in Amaanka Dalka aysan Waxba ka qaban karin. Waana Taas bay tiri Sababta keenaysa inay lala furo wadahadal Kooxda Al-shabaab, kuwa dadka Soomaaliyeed dilaya maalin walbana la iska dhex-saaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya