4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2016
Xoogagga Xarakada Al-shabaab oo la Wareegay Gacan ku haynta Degmada Rab-dhuure


Axad, Luuliyo 03, 2016 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, koofurta Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in galinkii dambe ee shalay xarakada Al-shabaab ay la wareegtay gacan ku haynta magaaladaas.

Arintaa ayaa dhacday kadib markii ciidamada Itoobiya oo halkaa joogay ay isaga baxeen halkaa. Ciidamadaa Itoobiya ayaa shalay galinkii dambe intii aysan halkaa ka bixin ka hor waxay halkaa joogeen labadii sano ee lasoo dhaafay.

Ciidamada Soomaaliya ayaa sidoo kale halkaa kusugnaa muddadii 2da sano ahayd ee ugu dambeysay. Ayaguna shalay ayay isku mar baxeen ciidamada Itoobiya. 

Rabdhuure ayaa waxaa qabsaday ciidamada dawlada Soomaaliya iyo AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya bishii 6aad ee sanadkii 2014 ayagoo ka qabsaday xarakada Alshabaab.

Soomaaliya ayaad marmar moodaa inaan dagaalada lagu kala adkaan ee meelaha qaar hadba koox ay qabsato.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jiray colaado wajiyo badan leh laga soo bilaabo sanadkii 1991 markii dawladii dhexe ee militariga ee Soomaaliya la af gambiyay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]