4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2016
Ilaa 2400 oo laga eryay militariga dalka Turkiga

 

Khamiis, Luuliyo 28, 2016 (HOL)-Dawlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay shaqada ka eriday in ka badan 2400 oo ka tirsanaa militariga dalkaa.

Sidoo kale ayaa dawlada Turkigu waxay shalay xidhay dhowr warbaahin oo ay u aragtay inay yihiin xag jir isla markaana ay ayada liddi kuyihiin. Sidoo kale ayaa waxay albaabada isugu dhufatay macaahiid badan oo si gaar ah loo leeyahay.

Arinkaa ayaa waxaa uu daba socdaa afgambigii dhicisoobay ee bishaan bartamaheedii ka dhacay dalkaa Turkiga ee lagu damacsanaa in lagu rido dawlada Erdogan.

Haatan ayaa waxaa wali socota kala shaandheynta macaahiida sama doonka ah iyo kuwa lala xiriirinaayo dadka dawlada kasoo horjeeda.

Ugu yaraan hal wariye ayaa xabsiga loo taxaabay oo iminka jeelka kujira waxaana la amray in kuwo kale lasoo xiro.

Ilaa tobanaan kale oo ka tirsanaa shaqaalaha tafatiraada ee warbaahinta Zaman ee dalkaa ayaa amar waxaa lagu bixiyay in lasoo qabqabto isla markaana jeelka lasoo dhigo.

Dawlada Madaxweyne Erdogan ayaa amar ku bixisay in la xiro gebi ahaanba ilaa tobanaan shirkadood oo wargeysyo soo saara. Waxay kaloo amar ku bixisay in la xiro 10 talefishin iyo 3 wakaaladood oo kuwa wararka ah.

Waxaa kaloo ay amartay dawladu in la xiro shirkadaha 15 jariidad. Dawladu waxay sidoo kale sheegtay inay iyana beegsan doonto jariidado kale oo kasoo baxa gobolada dalkaa.

Galinka dambe ee maanta ayaa waxaa la filayaa in militariga dalkaa golihiisa sare uu kulan yeesho si arimaha militariga iyo wixii ka dhexdhacay ee khaladaad ah loo saxo.

Axsaabta mucaaradka ayaa uga digay dawlada Erdogan inay ku fogaato qabqabashada dadka ayagoo tuhun dartii un loo qabqabanaayo. Si kastaba ha ahaatee asaga iyo dawladiisu labaduba waxay wadaan dadaalo ay kusoo jiidanayaan wixii mucaarad ah ee udhow oo ay wali soo dumi karaan.

Sidoo kale ayay damacsan yihiin wixii sharwadeyaal ah ee aan waano iyo wada hadal ogoleyn inay la dagaalamaan isla markaana ay karkaarka weydaariyaan!

Isla bishaan gudaheeda dalkeena Soomaaliya waxaa laga eryay shaqaalihii heyada Nile oo lala xiriirshay wadaadka, Fethulah Gulen oo lagu tuhmaayo inuu maleegay khidada iyo shirqoolka afgambiga aanan shaqeyn balse guul darreystay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]