4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
Weerar lagu dilay 20 qof oo ka dhacay Magaalada Dhaka ee Caasimada dalka Bangladesh (Sawirro)


Sabti, July 02, 2016 (HOL) — Inta la xaqiijiyay ilaa 20 qof oo u badan Ajaanib, ayaa lagu dilay Weerar ay dabley Taabacsan ururka Daacish ama ISIS ku qaadeen maqaaxi ku taalla Caasimadda Waddanka Bangladesh ee Dhaka.

Waxaa xoog ku galay ciidammo aad u hubeysan 12 saacadood, kaddib markii ay Dableydu gudaha u galeen Maqaaxida Holey Artisan Bakery Cafe. Afhayeen u Hadlay Xukuumadda Bangladesh ayaa sheegay in lix ka mid ah kooxdii Weerarka qaaday la toogtay, Halka mid ka mid ahna la Qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Matteo Renzi ayaa xaqiijiyay in muwaadiniin u dhalatay Dalka Talyaaniga ay ka mid ahaayeen Dadka dhintay. Dadka lagu qafaashay maqaaxidan ayaa waxaa ka mid ah shaqaale u dhashay Japan.

Dhammaan Dadkii Ajaanibta ahaa ee laga Qafaashay Baarkaan - ayay Toogteen Kooxihii hubeysnaa ee Afduubatay.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha Bangladesh Shekih Hasina ayaa ku tilmaantay weerarka ay dableyda ku qaaday in uu ahaa mid bahalnimo ah.

Ugu danbeyn, Hasina ayaa xustay Xukuumaddeedu xididdada u siibi doonto Argagaxisada iyo Mintidiinta Dalka Bangladesh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya