4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
SAWIRRO: Deeq Lacageed oo ka timid Sweden oo loo Qaybiyay Qoysas ku Nool Baladweyne


Sabti, July 02, 2016 (HOL) — Deeqdaan lacageed oo ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden, ayaa maanta loo Qaybiyay 400 oo Qoysas dan-yar ah oo ku nool Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Lacagtaan oo cadad ahaan ahayd, 30,148 oo Doollarka Mareyanka ah, ayaa soo ururinteeda waxaa iska kaashaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Stockholm ee xarunta Dalka Sweden, gaar ahaan Labada Masaajid ee Soomaalida, hay'adaha gaarka loo leeyahay, Wax-garadka iyo odayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaas.

Jaaliyadda, ayaa sheegtay in ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay deeqdan ay tahay marka hore caawinta shacabka dhibaateysan iyo in bulshadu gartaan in gacan kale aan waxba laga sugin oo loo gurmado bulshada marka ay jiraan masiibooyinka dabiiciga ah sidda abaaraha iyo fatahaadaha oo kale.

Ugu dambeyn, Qoysaskii deeqdaan lacageed la gaarsiiyay ayaa siweyn uga mahad celiyay, iyaga oo sheegay in lagu soo beegay waqti lagu guda-jiro bisha Ramadaan, dhinaca kalana dadka isku diyaarinayaan munaasabada ciidul-fidriga ee nagu soo foolka leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya