4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
Ururka Iskaashiga Islaamka [OIC] oo kasoo Hor-jeestay Sharciga Jinsiga ee Qaramada Midoobay


Sabti, July 02, 2016 (HOL) — Ururka Iskaashiga Islaamka oo sladhigiisu yahay magaalada Jiddah ee Dalka Sucuudiga, ayaa si adag uga soo Hor-jeestay Qaraar Jinsiga la xiriira oo uu dhawan Golaha Xuquul Insaanka ee Qaramada Midoobay kasoo saartay Shirkiisii 32-aad.

Xog-hayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OCI, Iyaad Amiin Madani ayaa xusay in Ururkiisu la dagaallmayo dhamaanba noocyada Jinsiga oo aan Waafaqsaneyn Shuruucda Islaamka ee Golaha Xuquul Insaanka QM uu soo saaray, laguna bahdilayo Qiyamka toosan ee Muslimiinta, meelna loogu dhacayo Diinta Islaamka ee muqadaska ah.

Wuxuuna Xog-hayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka sheegay, in Diinta Islaamka uu ALLE kaamil yeelay, wax walbana lagu cadeeyay, sidaas darteedna ururku uusan aqbaleyn wax loogu yeeray Xuquul Insaank ee QM kasoo baxa.

Dhanka kale , Xoghayuhu Wuxuu soo dhaweeyay isla markaana  tixgeli gooni ah uu siyay, Howlaha Safiirada Ururka Iskaashiga Islaamka ee Geneva oo ay dhawaan shir la yeesheen, ay si adag uga soo horjeesteen Qaraarka laga soo saaray shirkii 32-aad ee Golaha xuquuqul insaanka ee Qaraamada Midoobay, kaasoo uu xusay inuu khalkhal ku abuurayo Islaamka.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM ay qaadaan Tallaabo ka dhan ah Muslimiinta ee Dhanka Sinnaanta Jinsiga la Xiriirta, isla markaana Golohu Raaco Qawaaniinta Dowliga ah, gaar ahaan Xaqa saxda ah ee qofku leeyahay, sida ay diintena na farayso.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Iyaad Amiin Madani ayaa xusay in Shirweynihii 42-ee Golaha wasiirada arrimaha Dibadda Dalalka Islaamka oo lagu qabtay 27-28 bishii May Sanadkii 2015-kii  uu si Aqlabiyad leh u mamanuucay Qaraarka Golaha Qaramada Midoobay ee Xuquul Insaanka ee Jinsiga ku wajahan iyo haybta qofka.

C/raxmaan Diini Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya