4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
SAWIRRO: Baaq lagu Taageeray Ugaas Xasan U. Khaliif oo Maanta laga soo Saaray Muqdisho


Sabti, July 02, 2016 (HOL) —Shir ay isugu yimaadeen Waxgaradka Beesha Xawaadle oo lagu qabtay Muqdisho, loogana hadlay Liiska Odayaasha 135-ta ah ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya soo xulaya ee laga soo saaray shirkii Madasha Hogaamiyaasha Soomaalida ee Baydhabo lagu qabtay, ayaa   lagu dhaliilay qaabka loosoo xulay.

Kulankaan oo sidoo kale lagu Taageeray, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa laga soo saaray gunaanadkiisii qodobbo u qornaa sidan;

A. Hambalyo; Dhamaan ummada Soomaaliyeed, waxaan ugu hambalyeeynaynaa isbuuca xorriyadda ee Waqooyiga Somalia (26-ka June), Xuriyadda Jabuuti (27 June) iyo Maalinta Xorriyadda Gobollada Koonfureed ee Somali iyo Midowgii labada gobol ee 01-da Luuliyo, Waxaanan EEBBE ka baryeynaa in Waddankeenna uu Mideeyo, Horumar iyo Barwaaqana ay gaarto Soomaali meel walba oo ay joogaan.

B. Liiska Odayaasha 135-ta ah ee Doorashada 2016-ka;

1. Waxaanu si Kal iyo Laab ah u soo dhaweynay dareenka, hiillada iyo is-garab-taaga ay u muujiyeen Shacabka Reer Hiiraan Maqaamka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

2. Dhammaan Ummadda iyo Xukuumadda Somalia iyo Beesha Caalamka, Way og-yihiin in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu yahay Ugaaska Xawaadle, Sidaa darteedna ay wadahadal ula yeesheen Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Madaxda Xafiisyada Somali ee UNSOM, IGAD  iyo  Midowga Afrika.   

3. Waxaan u Aragnaa Liiska 135-ta Oday ee kasoo baxay Kulankii Baydhaba - mid aysan Aqbali karin Reer Hiiraan iyo inta Cadaaladda jecel, iyadoo meel looga dhacay Dhaqankii soo jireenka ahaa ee shacabka reer Hiiraan.

Waxaa in la Tilmaamo mudan in dhaqan ahaan Beesha magaca “Ugaas”  aan loogu yeeri karin Shaqsi aan ahayn Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, haddaba Liiska odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-tah ee Doorashada 2016 waxaa ku qoran Boggiisa shanaad, Ugaas Cumar Ugaas Muumin Ugaas Warfaa, oo aan ahayn Ugaaska Beesha.

4. Liiskii Sannadkii 2012-kii ee Odayaasha Dhaqanka sidiisii looma dhaafin oo Ugaasyo wakiilo lahaa ayaa Liiska sannadkan 2016–da ku jira iyadoo laga saaray Wakiilladii 2012 metelayay, Taasoo Muujinaysa in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif si ula kac ah looga reebay. 

5. Waxgaradka Beesha ee Gobolka Banaadir, waxay u arkaan Maqaamka Ugaaska mid aan lagu xad-gudbi karin, waxayna bulshada Somalia iyo Beesha Caalamkaba u Caddeynayaan inay tahay Xad-gudub iyo Colaadin ka socota Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo salka ku haysa Dadaalkii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif  iyo Bulshada reer Hiiraan ugu jiraan in la sameeyo maamul-goboleed lagu dhiso Wada-hadal iyo dib u Heshiisiin ee aanan lagu dhisin jujuub iyo khasab.

C. Baaq;

1. Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Hiiraan, dal iyo dibadba inay sii wadaan halganka ay xuquuqdooda ku dalbanayaan, kuna garab is-taagsan yihiin Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

2. Duubabka Soomaaliyeed waa inay muujiyaan inay garab is-taagan yihiin Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Xad-gudubka lagu sameeyayna - uu ka Dhigan yahay Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed oo dhan lagu sameeyay .

3. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweyneyaasha Maamullada ka jira Somalia, Hay’adaha Xuquuqul Insaanka, Beesha Caalamka,  Xafiisyada UNSOM, AU iyo IGAD, Waxaan ka Codsaneynaa inay Garab-is-taagaan xuquuqda sharciga ah ee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya