4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
Magaalada Beledweyne oo si weyn loogu Diyaar-garoobayo Munaasabada Ciidul-fidriga (Sawirro)


Sabti, July 02, 2016 (HOL) — Xili labo Casho kaddib la filayo dabaal-daga Munaasabadda ciidul-fidriga, ayaa si weyn Magaalada Beledweyne waxay dadku ugu Diyaar-garoobayaan farxada malinta ciidda.

Waxaa Cimiran oo Saxmad iyo Ciriir badan laga Dareemayaan Goobaha Ganacsaiga lagu iibiyo dharka oo maalmihii ugu danbeeyayba ahaa kuwo aan loo kala kicin oo ay buux dhaafiyeen dadweyne u badan haween iyo caruur iibsanaya dhar iyo agab kale oo ay u baahan yihiin in ay uga qeyb-qaataan fatisyaha maalinta Ciidul-fidriga.

Sidoo kale, goobaha lagu sameeyo wax yaabaha mac-macaan ka ah sida buskutka iyo xalwada ayaa waxaa ka jira ciriir aad u ballaaran, waxaana adag in lagaa qabto dalabaadka aad u baahan tahay waqtigan maadaama ay u taag iyo tabarba la yihiin inta ay hadda gacanta ku hayaan oo sidda ay qaarkood HOL u sheegeen ay adag tahay in xitaa laga gaarsiiyo maalinta Ciidda.

Dhalinyarada ka shaqeysata dawaarka [Harqaanka] ayaa sidoo kale maalmahan oo kale siweyn u mashuulsan, waana waqtiga dhaqaallaha ugu faraha badan leh dhalinyarrada ka hellaan mihnadooda shaqo, iyaga oo tola dharka kala gadisan ee dumarku xirtaan iyo kuwa caruurta intaba.

Ugu danbeyntii, magaalada Beledweyne ayaa qeyb ka ah magaalooyinka kale ee dalka ee sidda weyn dadku ugu diyaar-garoobayo munaasabada ciidul-fidriga oo ah munaasabad kuwo weyn guud ahaanba bulshada muslimka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya