4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay bilaabayso Hawl-gallo Wadanka looga Sifeynayo Al-shabaab


Sabti, July 01, 2016 (HOL) — Dowladda Federaalka Somalia oo Kaashaneysa Ciidamada dalalka ay saaxiibada yihiin ayaa xustay inay go’aansatay in la dar-dar-geliyo Hawlgallada la doonayo in Al-shabaab looga saaro gobollada Jubbooyinka ee Jubbaland.

Hawl-galkan ayaa qayb ka ah barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada ka jira Soomaaliya ay ku doonayaan baabi’inta argagixisada oo dilal aan loo meel dayin ku haya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Dhammaadkii bishii hore ee Juun, weerar ay wadajir u fuliyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo waddamada aan saaxiibka nahay ayaa wuxuu daah-fur u ahaa hawlgalo la doonayo in Al Shabaab looga xorreeyo degaannada Buulo-guduud, Jilib iyo kuwa kale ee ku teedsan Webiga Jubba.

Ciidamada Somalia, ayaa hawl-galladaan ay fulinayaan Waxay ka Talo-geliyeen Madaxda dhaqanka ee degaannadaasi, iyagoo ka wadahadley dhibaatooyinka ay kooxda argagixisada ku hayaan shacabka iyo guushii dhowaan ay soo hoyeen ciidamada, markii ay dileen Maxamed Dulyadeyn iyo Macallim Daa’uud oo ka mid ah ahaa horjoogeyaasha kooxda argagixisada.

Sidoo kale, Ciidamada Somalia iyo odayaasha ayaa isla gartey in bulshada ay si buuxda ula shaqeyso laamaha Amaanka, ayna soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan falal Argagixisonimo iyo haddii ay jiraan saraakiil ku dhuumanaya goobahaas.

Ugu dambeyntii, Ciidamada Xoogga Dalka Somalia oo kaashanayaa taageerada shacabka ayaa dhowr goobood oo degaannadaasi ka mid ah tegey, iyagoo aan wax khasaare ah soo Gaarinna ay dib ugu soo laabteen Fariisimadooda, Inkasto Warar been abuur ah oo ay Al-shabaab ku sheegtay inay weerareen kolonyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya