4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
MAXAABIIS Maanta laga sii Daayay Xabsiyada Magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Puntland


Sabti, July 02, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa Cafis u Fidiyay 97-maxbuus oo dambiyo yar-yar loo haystay, kuwaasoo ku xirnaa xabsiyada waa-weyn ee ku yaalla deegaanada Puntland.

Taliyaha Ciidamada Asluubta iyo Xabsiyadda Puntland, Jen. Cali Nuur Cali oo la hadlay warbaahint ayaa xaqiijiyay siideynta maxaaabsitaan oo uu sheegay in ay yihiin kuwo aan dambiyo waa-weyn gelin.

Sidoo kale Jen. Cali Nuur ayaa xusay in 97 maxbuus laga kala sii daayay xabsiyo ku yaalla degmooyinka; Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaso oo ka mid ah mgaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

Ugu dambeyntiina, Maxaabistaan la sii-daayay, ayaa Maalinta Ciidda ku ciidaya iyadoo xabisiga Gaalkacyo laga sii daayay 13, kan Boosaaso 31, kan Garowe 24 iyo Magaalada Qardho oo ah 29, waana sida loga kala siidayay Xabsiyada Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Garoowe, Puntland, Soomaaliya