4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
Dawlada Mareykanka oo Soo Saartay Warbixin Kusaabsan Kaganacsiga Dadka

Sabti, Luuliyo 02, 2016 (HOL)-Waaxda Arimaha Dibada ee Dawlada Mareykanka ayaa soo saartay warbixin ay uga hadleyso ka ganacsiga iyo si khaldan uga faaiideysashada dadka.

Warbixintaa oo caalami ah sanad walibana waaxdaasi ay soo saarto ayaa waxaa ay sheegeysaa in dalalka ugu badan ee arintaasi saamayso ay yihiin dalalka Afrika.

Dalalka Afrika sida ay u badan yihiin ayaan ayagu aad ula dagaalamin ka ganacsiga ama si khaldan uga faaiideysiga dadka. Dalalka aadka ula dagaalama dhibkaa ayaa waxaa warbixintu sheegtay inay yihiin Mareykanka, Australia iyo Ingiriiska.

Arintaan ayaa waxaa sii kordhiyay dadka dalalka qaar oo beylah u noqday in si khaldan looga faaiideysto gaar ahaan dalalka dhibaatooyinku ka jiraan sida Ciraaq iyo Suuriya iyo dalalka qaarada Afrika kuwaasoo dadyowgoodu kusii qulqulayaan qaarada Yurub.

Warbixintu waxay tibaaxday in dadkaa oo dhibban ay u noqdaan baylah ballan qaadyo been ah oo ay usameeyaan dadka dadka sida khaldan ugaga faaiideysta. Ballamahaa faaruqa ah ayaa waxaa kujira in loo sheego in meelo kale loo wadaayo oo shaqooyin laga siinaayo iwm.

Warbixinta ayaa si kastaba ha ahaatee un carrabowday lix dal oo Afrikaan ah oo wax ka qabtay arintaa sida dalka Burkina Faso.

Warbixintaa ayaa sheegtay in mukhalasiin dadka safriya ay haatan ku sugan yihiin dalalka Sudan iyo Jabuuti.

Waxaa warbixintu sheegtay in waxa dhibka sii kordhiya uu yahay dhibbaneyaasha sida khaldan looga faaiideysanaayo oo aan dooneyn inay dhibaatooyinkooda usheegaan laamaha ammaanka!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]