4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
Tahriibeyaal Soomaali ah oo Lagu Xiray Masar

 

 

Sabti, Luuliyo 02, 2016 (HOL)-Dad ajaaniib ah oo tahriibeyaal ah isla markaana doonayay inay kasii tahriibaan dalka Masar ayaa dalkaa lagu xiray.

Dadkaa ayaa waxaa kujira Soomaali. Ciidamada booliska ee dalka Masar ayaa gacanta kusoo dhigay isla markaana jeelka dhigay dadkaa oo kakala yimid dalal badan oo Afrikaan ah iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ee dhibaatooyinku ka jiraan.

Dadkaa ayaa dooni saarnaa markii lasoo qabtay tiradooduna waxay sare u dhaaftay 150.

Dadkaa ayaa waxaa ay isugu jireen Soomaali, Itoobiyaan, Suudaanese, Eritrean, Ciraaqiyiin iyo Suuriyaan iyo dadyow kale.

Boqolaal Soomaali ah oo tahriibeyaal ah ayaa ku dhintay xeebaha Masar sanadihii lasoo dhaafay ayagoo isku dayaayay inay usafraan qaarada Yurub.  

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]