4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2016
AMISOM oo diyaarado ku Weerartay saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay Gudaha Soomaaliya


Sabti, Luuliyo 02, 2016 (HOL)-Sida lagu qoray barta wararka ee wargeyska maalinlaha ah ee Kenya kasoo baxa ee The Star,  ciidamada Kenya ee KDF ee AMISOM ayaa diyaarado ku duqeeyay xeryo Al-shabaab oo kuyaala degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxay sheegeen ciidamada KDF ee AMISOM inay dileen tiro Al-shabaab ah walow aysan tirada rasmiga ah ee sida ay sheegeen ay meelahaa ku dileen aysan hayn.

Waxay kaloo sheegeen in hub badan ay ka burburiyeen xarakada Shabaab. Waxay sidoo kale ciidamada KDF sheegeen in Al-shabaab ay ka gubeen gawaari tikniko ah kadib markii goobahaa ay bartilmaansadeen ayna duqeeyeen.

Waxay intaas ku dareen in lix fariisimo oo Al-shabaab ay beegsadeen isla markaana burburiyeen.

Gudaha Kenya ciidamada KDF waxay sheegeen in Arbacadii aanu soo dhaafnay ay deegaanka Baure ee degmada Lamu ay ku dileen afar qof oo Al-shabaab ahaa. Si kastaba, waxay sheegeen in waqtigaa ay dilayeen afartaa hal askari oo KDF ka tirsan halkaa lagu dhaawacay.

Ciidamada Kenya ayaa la dagaalamaayay Al-shabaab tan iyo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ee KDF loo diray gudaha Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]