4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2016
Khadka Cusub ee Tareenka isaga Gudbi doona Itoobiya & Jabuuti oo dhawaan la Hawl-gelinayo


Sabti, Luuliyo 02, 2016 (HOL)-Khadka cusub ee tareenka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti ayaa dhawaan waxaa lagu wadaa in si buuxda loo hawl gasho.

Sanadka soo socda ee 2017 oo muddo bilo ah un ay haatan naga xigto ayaa waxaa lagu wadaa in khadkaa xaddiidka ah ee korontada ku shaqeeya uu bilaabo shaqo buuxda isla markaana loo adeegsan doono si buuxda.

Sidaa waxaa sheegtay oo laga soo xigtay Waaxda Khadka Tareenada ee Itoobiya ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano ERC.

ERC ayaa sheegtay in shaqadii laga haayay khadka 98% haatan ay diyaar tahay oo la dhammaystiray.

Kasakow inuu dhaqaalaha gobolka saacidi doono khadkaasi cusub hadana wuxuu soo gaabin doonaa waqtiga safarka oo awal ahaa maalmo dhowr ah hadana wax ka yar hal maalin!

Tareenada adeegsanaaya khadkaa ayaa waxay adeegsanayaan koronto sidaa daraadeedna waxaa baaqan doonta sida lagu wado lacagtii ku bixi jirtay shidaalka lagu isticmaali jiray tareenadii hore ee shidaalka.

Sidoo kale ayaa tareenada khadkaan cusub aysan sii deyn doonin qiiq sidaa daraadeedna waxaa qiiqii ka badbaadi doona deegaanka.

Tareenkaa ayaa Itoobiya usoo waaridi doona alaabada uga soo daga dekada Djibouti oo had iyo jeer wax uga soo dagaan maadaama Itoobiya aysan bad lahayn.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]