4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2016
Maxkamad ku Taala Dalka Norway oo Muwaadin Soomaaliyeed ka Cafisay Dil uu horay u Geystay


Sabti, July 02, 2016 (HOL) — Dhageysiga dacwadda iyo Doodda ku saabsan kiiska loo haystay muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo Malik Yuusuf oo ka socotay muddo afar maalmood ah gudaha Maxkamadda magaalada Tromsø ee Woqooyiga dalka Norway ayaa lasoo gebagebeeyey.

Kiiska dacwadaan oo aan la furin tan iyo sanadkii 2002-dii ayaa dib uga bilowday magaaladani Tromsø ee ugu weyn woqooyiga dalka Norwey talaadadii lasoo dhaafay taasoo socotay muddo afar maalmood ah,iyadoo taasina ay sabab u tahay kadib markii uu racfaan qaatay Maalik xilligaas kana baxsaday Norway oo ay baaris iyo dabagal ku hayeen halkii uu ubaxsaday.

Maalik Yuusuf ayaa bishii November sanadkii 2001-dii ku dilay magaalada Storslett ee Gobolka Nordreise ee dalka Norway muwaadin kale oo soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ali Mohamed kadib markii uu saddex jeer Mindi ka geliyey Dhabarka dhaawacaasina uu u geeriyooday.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda ayaa dhagestay Dacwadoogaha Dowladda Norway iyo Qareenka difaacayay Wiilkaan dilka geystay  oo la sheegay in khilaafkoodu marka hore ka bilowday arrimo ku saabsan qabaa,ilka.

Xeerilaalinta maxkamadda Tromsø ayaa ku dhawaaqday Go.aankii ugu dambeeyey ee kiiska dacwaddan iyadoo la cafiyey malik kadib markii uu qareenkiisa ku dooday inuu isdifaacayay balse maxkamaddu waxa ay shaacisay inaysan kala saari karin in ninkaasi uu si ula kac ah udilay iyo inuu isdifaacayay, sidaas darteedna ay maxkamaddu qaadatay go,aankaas.

Malik ayaa u baxsaday Ingiriiska kaddib markii uu dilkaasi geystay isagoo magangelyo ka helay  haseyeeshee  bishii feebaraayo ee sanadkaan 2016-ka ayaa police-ka caalamiga ah ee Interpol usoo gacan geliyeen Dowladda norway kadib markii fara dambiyeed laga helay isagoo ku sugan dalka Uk.

Ugu dambeyn, Goobjoogayaashii dhageysig Dacwaddan loo heysto Malik ayaa filayay in uu wajahi doono xukun dhan todoba sano ama ka badan inkastoo ay maxkamadu qaadatay Goaan ka duwan natiijadii ay sugayeen waxaana arrintaan si weyn diiradda usaarayay Tv-yada iyo wargeysyda waaweyn ee Dalkani Norway.