4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2016
Islii Nairobi Kenya: Munaasabada 1da Luuliya oo La Xusay



Sabti, Luuliyo 02, 2016 (HOL)-Waxaa hubaal ah in tan iyo habeen hore ay socotay xusida iyo weyneynta maalinta 1da Luuliyo oo ah maalintii dalkeena Soomaaliya uu madaxbannaanidiisa ka helay gumaystihii Italy sanadkii 1960.

Si kastaba ha ahaatee hadii aad moodeysay in munaasabadaha lagu xusaayo maalintaa gudaha Soomaaliya un meelo kala duwan oo ka mid ah, ogow dibadaha sidoo kale gaar ahaan meelaha ay ku dhaqan yihiin jaaliyadaha Soomaalida waa laga xusay iyana oo looma kala harin.

Nairobi gaar ahaan xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Islii aad ayaa looga dabbaal dagay maalintaa oo Soomaaliya ay madax bannaani heshay gaar ahaan gobolada koofureed isla markaana ay la midoobeen waqooyiga Soomaaliya oo 26dii Juun 1960 ka qaatay madax bannaani gumeystihii Ingiriiska.

Islii waxaa munaasabadaa lagu qabtay hoolka weyn ee shirarka ee dhismaha uu kuyaalo xafiiska bartaan wararka ee Hiiraan Online oo ah bar bulshada Soomaaliyeed ka haqab tirta wararka, waa dhismaha Eastleigh Mall.

Xaflada oo soo bilaabatay shalay galab gaabadkii socotayna ilaa fiidkii xalay ayaa waxaa soo agaasimay shirkado Soomaaliyeed oo ganacsi, kuwo warbaahineed iyo ururo kale oo Soomaaliyeed.

Waxaa kasoo qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan, aqoonyahano, wax garad, culimaaudiin, saxafiyiin, dumar iyo dhallinyaro waxaana diirada lagu saaray ahmiyada ay maalintaan u leedahay ummada Soomaaliyeed.

Dhammaan masuuliyiintii ka hadlay munaasabadaa ayaa ugu dardaarmay ummada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan yar iyo weyn in midnimada laga shaqeeyo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.