4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 1 , 2016
Munaasabada 01-da Luuliyo oo Xalay laga Xusay Magaalada Beledweyne ee G/Hiiraan (SAWIRO)


Jimco, July 01, 2016 (HOL) — Iyadoo Soomaaliya xalay laga xusay Munaasabadda 01-da Luulyo oo ku beegan markii sannadkii 1960-kii ay gobollada Koonfurta Somalia Xorriyada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, Dhanka kalena ay midoobeen labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi, ayaa Xalay xaflad taas la mid ah waxaa lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Xuska, ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda maamulka heer Gobol iyo degmo, Saraakiisha ciidammada qalabka sidda, iyo xubno ka kala socda ururada bulshada rayidka ah, Waxaana halkaas lagu soo bandhigay Heeso iyo suugaan kala duwan oo lagu maamusayo qiimaha ay maanta oo kale ugu fadhiso bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhamaan, Mas'uuliyiintii iyo saraakiishii ciidammada ka hadlay munaasabada xuska 01-da Luulyo ayaa ku dheeraaday halgankii loo soo galay xoriyada aan maanta harsaneyno, iyaga oo ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay ilaashadaan xoriyadooda oo sidda ay hadalka u dhigeen dhiig badan loo daadiyay.

Sidoo kale, Markii la gaaray - 12: 00 Habeennimo ee Saqdii Dhexe ee Xalay ayaa Calanka Buluugga ah ee Dhexda ay uga Taallo Xiddigta Cad ee Shanta Gees leh - Waxaa la Saaray Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, Munaasabado Tan la mid ah - ayaa xalay ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka oo ay ka mid tahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya