4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 1 , 2016
Madaxweynaha Dalka Masar Al-Sisi oo Difaacay Af-gambigii lagu Riday Xukuumaddii MURSI

Jimco, Luulyo 01, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi ayaa difaacay afgambigii militariga dalkaasi ku rideen madaxweynihii dalkaa, Maxamed Morsi oo xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka ee dalkaa ka tirsanaa.

Malaayiin dad ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimada dalkaa ee Qaahira 30kii Juun, 2013 ayagoo dalbanaayay in Morsi uu talada dalkaa wareejiyo kadib markii uu hal sano oo qura uu jagada madaxweynenimada hayay.

Sisi oo markaa ahaa taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalkaa ayaa amar kusiiyay Morsi inuu 48 saacadood ugaga jawaabo dalabka dalka ka hor intii militariga uusan amar kusiin inay af gambiyaan oo ay xiraan.

Shalay wuxuu Sisi sheegay in dadka reer Masar ay masiirkooda saxeen una caddeeyeen caalamka inaan rabitaankooda laga hor imaan karayn.

Sidaa ayaa Madaxweyne Sisi uu talefishinka qaranka ee dalkaa ka yiri.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la xasuustaa in markii la afgambiyay dawladii Morsi ay taageereyaal badan oo taabacsan Ikhwaanul Muslimiinka dalkaa ay mudaaharaadeen dabadeedna booliska iyo militarigu ay boqolaal mudaaharaadeyaal ah ay dileen. 

Sanad kadib waxaa madaxweyne loo doortay Sisi. Waxaa sidoo kale dalkaa lagu xiray dad xarakaad hor kaca.

Si kastaba, dawlada Sisi waxay sheegtay in maxaabiis siyaasadeed aysan jirin ee kuwa haatan jeelasha kujira oo saxafiyiini ay kujiraan inay dhammaantood falal dambiyeed ku kaceen.

Dawlada dalkaa ee Sisi uu madaxweynaha ka yahay ayaa haatan sheegeysa in loo baahan yahay tillaabooyin muhiim ah in la qaado maadaama maqaawimo ay ka jirto waqooyiga gobolka Sinai.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]