4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2016
Ganacsade Caan ah oo Xorriyadiisa Dib u Helay

Jimco, Luulyo 01, 2016 (HOL) - War shalay ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee dalka Mareykanka qaybta maamusha dhaqaalaha dibadda (Office of Foreign Assets Control) ayaa caddeeyey in ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale laga saaray liiska dadka laga xakameeyey dhaqdhaqaaqa socdaalka.

Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ka mid ah  ganacsatada waaweyn ee dalka Soomaaliya ayaa muddo 15 sanno ka badan ku xayirnaa dalka Jabuuti.

Ganacsadaha oo ahaa maamulihii xawaaladda Barakaat ayaa sannadkii 2001 ay dawladda Mareykanku ka xirtay xawaaladda isagana ku soo rugtay xayiraad dhinaca socdaalka ayada oo lala xiriirsiinayo dhacdadii September 11, 2001.

Ganacsade, Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah ganacsatada ugu hantida badan dalka Soomaaliya, isaga oo saamiyo badan ku leh shirkadaha isgaarsiinta ee dalka Soomaaliya.

Ka qaadista xayiraadda socdaalka ee ganacsadaha ayaa ku soo beegantay waqti ay dawladda Mareykanku ay kordhineyso xiriirka ay la leedahay dalka Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]