4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2016
Kenya: Shirkada Warbaahinta ee Nation oo Go'aansatay inay Xidho Idaacado ay Leedahay

Xarunta weyn ee shirkada Nation Media Group ee kutaala bartamaha caasimada Nairobi


Jimco, Luulyo 01, 2016 (HOL)-Shirkada Nation Media Group oo ah shirkada ugu weyn ee warbaahinta gobolka Bariga Afrika ayaa waxay go'aansatay inay xidho qaar ka mid ah idaacadaheeda.

Sidaa daraadeed ayaa waxaa laga yaabaa in dad badan oo idaacadahaa la xiraayo ka shaqeyn jiray ay shaqooyin la'aani soo food saarto ama shaqooyinkoodii ay sidaa ku waayaan.

Idaacadahaa ay shirkadaasi xireyso ayaa waxaa ku jira Nation FM, QFM iyo KFM oo ku taala dalka Rwanda.

Nation FM iyo QFM waxay ayagu ku yaalaan gudaha magaalada Nairobi Kenya.  Sidoo kale ayaa shirkada Nation Media Group waxay shaacisay inay albaabada isugu dhufan doonto talefishinka QTV oo ay ayadu leedahay kuna yaala Nairobi.

Waxay sheegtay shirkadaasi inay idaacadahaa iyo taleefishinkaa xireyso dabadeedna juhdigii ay galin jirtay idaacadahaa iyo talefishinkaa loo weecin doono dhanka horumarinta baraheeda wararka ee internetka.

Baraha internetka ayaa in dhawaaleba caan ku noqday gudbinta iyo baahinta wararka ayagoo la tartamaya idaacadaha iyo talefishinada isla markaana dad badani ayba ayaga u xishaan.  

Shirkada Nation Media Group ayaa waxaa  ku dhawaad muddo 60 sano ah ka hor aasaasay ninka lagu magacaabo Aga Khan oo ah ganacsade caan ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected] 
Magaalada Nairobi, Kenya.