4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 1 , 2016
Kenya: Mareykanka oo ka Digay Weeraro Argagixisonimo

Magaalo-xeebeedka Lamu ee Kenya


Jimco, Luulyo 01, 2016 (HOL)-Wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ayaa Khamiistii shalay ahayd galinkii dambe ka digtay in weeraro argagixisonimo laga yaabo inay Kenya ka dhacaan.

Sidaa daraadeed ayaa waxaa dawlada Mareykanku dadkeeda uga digtay inay u safraan ama tagaan magaalada Lamu ee xeebta Kenya ku taala, xaafada Islii ee Nairobi iyo degmooyinka gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Safaarada Mareykanka ee Nairobi ayaa sidoo kale ku baaqday in muwaadiniinta Mareykanku booqdaan Mombasa, magaalada qaddiimiga ah (qeyb ka mid ah magaalada Mombasa) maalintii inta iftiimada ah oo qura isla markaana ay ka baaqsadaan isticmaalka doonida lagu gudbo badda gacankeeda dhex mara magaalada (Mombasa ferry) arimo ammaan aawadood.

Waxay hayadaha sirdoonka ee Mareykanku ka digeen gantaalo dhulka laga soo gamo in lala beegsado diyaaradaha. 

Maamulka Diyaaradaha ee Mareykanka (FAA) ayaa dadka ka shaqeeya dullimaadyada Kenya uga digay inay jirto cabsi ah weeraro lagu soo qaadi karo danaha Mareykanka iyo reer Galbeedka.

Digniintaan ayaa timid ayadoo haatan amniga Kenya uusoo hagaagayo oo dalxiiseyaal badan ay Kenya imaanayaan kadib markii Kenya ay kasoo kabatay weeraradii tirada badnaa ee lala xiriirin jiray xarakada Al-shabaab.

Dalxiiska Kenya ayaa kasoo kabtay hoos u dhac dhaqaale oo soo food saaray sababtuna ay ahayd ammaan darro Kenya guud ahaan uga imaaneysay weeraro badan oo qeybo badan oo Kenya ah ka dhacay saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Meelaha kale ee dawlada Mareykanku dadkeeda uga digtay oo ay dooneyso inaysan tagin waa degmada Tana River iyo qeybta waqooyi ee Malindi oo ka tirsan degmada Kilifi meelahaas oo dhammaantood dhaca gobolka Xeebta ee Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, dawlada Mareykanku waxay sheegtay in falal argagixisonimo oo qura aysan dhici karin balse in ay dhici karaan falal dambiyeedyo waaweyn mararka qaarkood sida dad hubeysan in gawaarida ay dhacaan, bambaanooyin in la tuuro, guryaha in burcadi u dhacdo iwm meel kasta xataa Nairobi gudaheeda.