4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
Somalia iyo Britain oo Maanta ku kala Saxiixday Muqdisho Heshiis Dhinaca Amniga ah (Sawirro)


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Britain ayaa Maanta Heshiis Dhanka Ammaanka ah ku kala Saxiixday Xarunta Safaaradda Britain ee Muqdisho, iyadoo dhanka Somalia uu heshiiskaan u saxiixay Wasiirka difaaca, C/qaadir Sh. Cali Diini, Halka dhanka Britain ay u saxiixday safiiradda u joogta Soomaaliya, Harriet Mathews.

Saxiixa Heshiiska kaddib, ayuu Wasiirka Difaaca Somalia Sheegay in Heshiiskaan uu wax badan u Tarayo labada dal, isla markaana ka caawinayo inay labada dal iska kaashadaan la-dagaallanka Kooxaha Xag-jirka ah ee khatarta ku ah Somalia, gobolka iyo caalamka intiisa ahaan.

“Heshiiskan wuxuu Somalia ka caawin doonaa in awood ay u hesho Dhismaha Hay’adaha Ammaanka iyo sidoo kale in labada Dalka ay yeeshaan Wada-shaqayn dhaw oo la Xiriirta Amniga, si aan uga guuleysanno kooxaha Xag-jiriinta ah ee ku haya dhibatada Dalkeenna,” ayuu yiri Wasiir Diini.

Jen. C/qaadir Diini ayaa xusay in Britain keliya aysan ka Qayb-qaadan Xaqiijinta Amaanka dalka, laakiinse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo ka mid yihiin siyaasadda iyo dhismaha ciidanka qalabka sida.

Ugu dambeyn, Safiiradda UK ee Somalia, Harriet Mathews ayaa iyana dhankeeda sheegtay inay mar walba la garab-taaganaan doonaan dowladda Somalia Taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, iyadoo u Rajeysay dowladda Somalia inay ku guulaysan doonto Qorshayaasheeda kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya