4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
SAWIRRO: Wasiirka Howlaha Guud oo Carruur ugu Deeqay Joodariyaal kana hadlay Wasaarada


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Somalia, Inj. Saalax Sh. Cismaan ayaa  ka warbixiyey halka uu Marayo dhismaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, kaddib markii uu shir jaraa’id ku qabtay Wasaaradda dhismuhu ka socdo, isagoo yiri. “Toddobaad gudihiis ayaa anniga iyo shaqaalaha wasaaradda Halkaan u soo wargeegeynaa.“

Isagoo sii hadlaya ayuu intaa ku daray. “Waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada Baarlamanka Somalia iyo Wasiiradaha inay ka qayb-qaataan dib u dhiska Somalia, gaar ahaan xafiisyada wasaaradaha, si hore loogu dhaqaajiyo hanaanka dowladnimo,” ayuu yiri wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska oo u mahad-celiyey Shariikadihii iyo Shaqsiyadkii gacanta ka gestay dhismaha wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska, Inj. Saalax Sh. Cismaan ayaa 100-joodari Maanta ugu deeqay Carruur darbi-jiiif ah oo wax lagu baro Xarunta dhaqan-celinta carruurta darbi-jiifka ah ee Xuseen Sh. Axmed Kadare ee degmada Cabdicasiis, iyadoo inta uusan Wareejin deeqdaas Warbixinno ka dhageystay maamulka Xaruntaas, oo Sheegeen in carruur fara badan ay dhigtaan dugsiga, kuwaasoo laga soo ururiyay Dariiqyada Muqdisho.

“Waxaan u Mahad-celinayaa Wasiirka iyo Wasaarraddiisa oo Gartay inay ka Dam-qadaan carruurta xeradaas ku xareysan, Waxaana u soo jeedinaynaa Wasiirrada kale inay ku Day-daan Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Inj. Saalax Sh. Cismaan,” ayay yiraahdeen mas’uuliyiinta xarunta oo u mahad-celiyay Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar oo bud-dhigtay xruntaan.

Dhanka kale, Wasiirka Howlaha Guud oo isagana halkaas ka hadlay ayaa xusay in deeqdan uu ugu talo-galay in lagu xannaaneeyo carruurtaas oo uu sheegey inay yihiin mustaqabalkii burrito.

 “Halkan Waxaan uga Mahad-celinayaa Marwada Madaxweynaha Somalia oo garatay ama ka damqatay Carruurtaan Soomaaliyeed, kuna soo ururisay halkan, marka waxaa ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Il-naxariis leh ay ku eegaan Carruurta ku Dayacan guud ahaan dalka,” ayuu yiri Inj. Saalax Sheekh Cismaan. 

Ugu dambeyn, Marwo Naleey oo ka socotay xafiiska Marwada Madaxweynaha oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa u mahad-celisey Wasiirka iyo Wasaaraddiisa oo ay sheegtay inay qaadeen tallaabo ku dayasho mudan; iyadoo carruurta xeradaas lagu xanaaneeyo loo qaybi-yay Joodariyaashii; kuwaasoo ku faraxsanaa Joodariyaasha loo qaybiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya