4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
Madaxweyne Xasan oo Guddoomiyay kulan looga Hadlayay Colaadda Dalka Burundi (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay xaaladda dalka Burundi, kaasoo ay kasoo qayb-galeen taliska ciidamada Deg-dega ah ee Bariga Afrika.

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay shirkaas ayaa ugu baaqey shacabka iyo xukuumadda Burundi inay xal u helaan colaadda dalkooda ka taagan, iyadoo la xusuusan yahay in Burundi ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh kulammo miradhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Afrika , Linda Thomas-Greenfield iyo u qeybsanaha arrimaha caalamiga ee Ra;iisul Wasaaraha Japan, Mr Kawai Katsuyuki.

Xukuuumadda Japan ayaa shirka ay la yeesheen madaxweynaha kaga dhawaaqday Kaalmo Dhaqaale oo gaareysa 37-milyan oo doollar, oo loo adeegsan doono adeegyada Aas-aasiga, Amniga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Waxaa kaloo ay Dowladda Japan doonaysaa inay xiriir dhaw oo iskaashi iyo Maal-gashiba isugu jira la yeelato Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe ayaa shalay xilka guddoomiyenimada Ururka Midowga Afrika ee Sannadkan ku wareejiyay Madaxweynaha Chad, Idriss Déby Itno.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya