4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2016
RW Somalia oo difaacay Go’aanadii ka soo baxay Wada-tashigii Doorashada Dalka (DHAGEYSO)


Sabti, Janaayo 30, 2016 (HOL) — RW Somaila, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa si adag u difaacay go’aanadii kasoo baxay shirkii wada-tashiga doorashooyinka ee Muqdisho lagu qabtay, kuwaasoo ay kasoo hor0jeesatay Puntland, kuna Tilmaameen kuwo aan Dalka horumar gaarsiinayn.

Sharma’arke oo wareysi siinayay VOA-da ayaa xusay in markii ay dhan walba ka eegeen xaaladda uu dalku marayo ay go’aansadeen inay raacaan nidaamka 4.5-ka ah oo lagu soo dhisi doono baarlamaanka lasoo xuli doono, halka golaha sare ee baarlamaankana lagu soo xuli doono hab deegaan.

“Annaga ka dowlad ahaan, waxaan is-tusnay in haddii awood-qaybsiga dowladda maamul lagu sameeyo ay keeni doonto xasillooni-darro hor leh, ma dooneyno inaan Soomaaliya ka dhigno sida Ciraaq ama Afgaanistaan, Sababta ugu weyn ayaa ah in aysan jirin wax Tira-koob ah oo laga sameyey dalka,” ayuu Sharma’arke ku yiri wareysigiisa.

DHAGEYSO: Wareysiga uu RW Sharma'arke uu Siiyay Idaacadda VOA Soomaali;

Sidoo kale, RW Sharma’arke ayaa la Weydiiyay Qaadacaada Puntland ee Natiijada Shirka kasoo baxday, Wuxuuna ku jawaabay inay muhiim tahay inaanan la Horseedin Xasillooni-darro ka dhacda dalka, xilligana aysan muhiim ahayn in lagu qaybsado awoodda dalka hab deegaan.

Ugu dambeyn, RW Somalia, wuxuu sheegay in dhammaadka bisha soo socota ee Febraayo uu shir ka dhici doono Magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga, kaasoo lagu dhameystiri doono Waxyaabaha Qabyada ah ee ka dhiman Geeddi-socodka Amaanka dalka iyo Qaabka Doorashooyinka loo wajahayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya