4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2016
WARAN-CADDE: Go’aankii kasoo baxay Shirkii Wada-tashiga ee Xamar Innaga nama Khuseeyo


Sabti, Janaayo 30, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-Cadde oo ka hadlayay Go’aannadii kasoo baxay Shirkii Madasha Wada-tashiga doorashooyinka Somalia ee Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in go’aannadaas aysan waxba ka khuseyn Somailland.

Cali Waran-cadde ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in iyagoo Somalia inteeda kale ka go’ay 25-sano ka hor ay maanta sheegtaan inay Somaliland ka tirsan tahay maamullada hoos-yimaada dowaldda federaalka ah, laakiin waxaan u sheegayaa buu yiri inaanu nahay laba waddan oo kala madax-bannaan; haddana jaar ah.

“Runtii waa wax lala yaabo in 25-sano ka hor dal aan ka go’nay oo 1960-kii aanu dowlad isku darsanay uu maanta yiraahdo waad naga mid tihiin, waxaanu ahayn labo dowladood oo kala gumeysan jiray Ingiriiska iyo Talyaaniga, marka innagu waan kala laabannay mid-nimadii hore, waana arrin aanu aad ula yaabnay beenta iyo waxay sheegayaan,” ayuu Cali Waran-cadde ku daray hadalkiisa.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay Hargeysa ayaa sheegay inaanay jirin cid uga wakiil ahayd Shirkii Madasha Wadatashiga Muqdisho, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya ay sharci kasoo saarayaan arrinta Somalia iyo isku safarka labada dhinac.

“Dal kala noqday dal kale midnimadii inay maanta sheegtaan waa wax aad loogu qoslo, Waxay sheegayaan Somaliland wax ka khuseeyo ma jirto, cid ka mas’uul ahna ma jirin, waxaa sharciyad kasoo saarnaynaa in Soomaaliya iyo Somaliland Baasaboor labo dal ah kala leeyihiin oo ay isku safrayaan,” ayuu yiri Cali Waran-Cadde.

Ugu dambeyn, go’aannadii kasoo baxay shirka Madasha Wada-tashiga ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo Puntland min saddex xubnood loogu daray xubnaha golaha sare ee baar-lamaanka Somalia, kaasoo ka koobnaan doona 54-xubnood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya