4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2016
Madaxweynaha DF Somalia oo Addis Ababa uga qayb-galaya shir madaxda AU-da (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu kaga qayb-galayo shir madaxeedkii 26-aad ee Ururka Midowga Afrika.

Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa Arrimaha ugu Waa-weyn ee looga Wada-hadlayo waxaa ka mid ah colaadaha ka Aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa ka dalbatay Hoggaamiyeyaasha Afrika in laga dhabeeyo, lana fuliyo ballan-qaadkii horay loo gaaray ee ahaa in Qaaradda Afrika laga ciribtiro colaadaha marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Waxaa sidoo kale Shirkan bar-bar-socon doona Shir-madaxeedka gaar ah ee IGAD, kaasoo looga hadli doono arrimaha Somalia iyo shir-madaxeed kale oo gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidanku ay ka joogaan Soomaaliya oo looga hadli doono Hawl-galka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa inta uu kulankaan socdo Wuxuu Shir-guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ku jira taliska ciidanka Gaarka ah ee Bariga Afrika. Kaasoo looga Tashanayo Xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad-ilaalin ah loogu diri lahaa.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa kulammo la qaadan doona Madaxda ka Qayb-galeysa Shirka Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki Moon iyo madax kale.

Ugu dambeyn, shirkan waxaa ka qaybgalaya 54-ka dowladood ee Xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyadoo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Waddamadan ay mar hore yeelan doonaan kulammo ay ku diyaarinayaan Ajandaha shirka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya