4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2016
SAWIRRO: Idaacad FM ah oo laga Hir-galiyay Magaalada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan


Jimco, Janaayo 29, 2016 (HOL) — Shacabka ku dhaqan Degmada Buula--burte oo muddo dheer wajahayay xaalad adag oo dhinaca nolasha ah, ayaa hadda u muuqda kuwo si tartiib-tariib ah uga soo kabanaya marxladihii kala duwanaa oo ay ka dhaxleen dagaalladii gudaha degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw ku dhaxmaray ciidammada dowladda, AMISOM & Al-shabaab, kuwaa oo ka dhigay degmada mid go'doon ka ah gobolka intiisa kale.

Waxaa dib u soo celiyay rajadii Shacabka islamarkaana Degmada ka dhiga meel Camiran garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte oo ay si toos ah uga soo dagaan duulimaadyo kala duwan oo ay la socdaan dad shacab ah gaar ahaan qurbo joog muddo dheer aan fursad u helin in ay dib ugu laabtaan degmadii ay asal ahaan ka soo jeedeen.

Xaflad ay ka qeyb-galeen mas'uuliyiinta maamulka degmada, dhalinyarro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta ku dhawaan 10 sano kaddib waxaa dib looga howl-galiyay Idaacad FM oo lagu magacaabo [Hiiraan Weyn]

Agaasimaha idaacada Max'ed Cismaan Makaraan ayaa sheegay idaacadan wax weyn ka badali doonto dareenka shacabka degmada oo wixii hadda ka danbeeya si toos ah loo maqli doonno codkooda.

Mas'uuliyiinta iyo qeybihii kale ee ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan Hir-galinta Idaacada FM ka ah, oo ay u Arkaan mid ka mid ah Rajada shacabka degmada oo u baahnaa meel ay codkooda u sii mariyaan caalamka intiisa, kale, islamarkaana ay kala socon doonaan aqbaaraadka kale ee dunida.

Buula-burte oo ah magaalo Taariikhi ah oo wali ay ka sii muuqdaan raadadka iyo Astaamo muujinayaa mudadda dheer oo ay soo dhisneyd, ayaa meelaha qaar wali go'doon ku hayaan xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM, iyadoo dariiqa kaliya ee hadda u furan dadka reer Buula-burte la oran karo waa Garoonka diyaaradaha ee la hir-geliyay dhawaan, inta badanna ay isticmaalaan Saraakiisha dowladda iyo dadka shacabka ee degmada tagaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya