4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2016
KI-MOON: Waanu soo Dhaweynaynaa Qodobadii ka soo baxay Shirkii Wada-tashiga Doorashada


Jimco, Janaayo 29, 2016 (HOL) — Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki Moon ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aannadii kasoo baxay shirkii Wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka oo dhawaan ka dhacay Muqdisho.

Ki-Moon ayaa ugu hambalyeeyay madaxda Soomaalida go’aanka ay gaareen, Wuxuuna ku go’aankaas ku timaamay mid dhidibbada u xaadhaya isbeddel ka dhaca Soomaaliya Xiligii loogu tala-galay, marka ay dhamaato muddada u hartay dawladda talada-haysa.

Sidoo kale, Ban Ki Moon ayaa si gaar ah u bogaadiyay Qaybta muhiimka ah ee loo Qoon-deeyay haweenka Soomaaliyeed oo loogu talo-galay inay ay noqdaan 30% xubnaha golaha sharci-dajinta.

Xog-hayaha ayaa xusay in uu aaminsan yahay in go’aannadan ay ku yimaadeen wada-tashi ballaaran oo lala yeeshay maamul gobolleedyada Somaaliya, xubnaha baarlamaanka, Wax-garadka, odayaasha dhaqanka & bulshada rayidka ah, isagoo talaabadan ku tilmaamay mid astaan u ah inay Soomaaliya cagta saartay dhabada dib u dhiska iyo Nabadaynta.

Dhanka kale, Ban Ki-Moon ayaa wuxuu ku booriyay dhinacyada Soomaalida oo dhan inay taageeraan si waqtigii loogu talo-galay loo dhaqan-galiyo isbedelka Siyaasadeed ee 2016-ka.

Ugu dambeyn, xoghayaha Guud ee QM ayaa mar labaad ku celiyay in loo baahan yahay in si deg-deg la isula meel-dhigo suuro-galnimada in doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya Sannadka 2020-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya