4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2016
Danjirihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Wakiilka uga ahaa QM oo Mareykanka ku Geeriyooday

Khamiis, Janaayo 28, 2016 (HOL) — Danjire C/llaahi Siciid Cismaan ayaa ku geeriyooday shalay Dalka Mareykanka, waxaana geeridiisa ka tacsieeyay RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Cumar Carte.

RW Somalia, ayaa Geerida Danjire C/llaahi Cismaan ku tilmaamay mid Naxdin leh, isagoo tacsi u diray ehelladii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan oo uu ka geeriyooday marxuum C/laahi Siciid, Wuxuuna Alle uga baryey inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo isagana Qabrigiisa u Waasiciyo.

“Marxuum C/llaahi Siciid Cismaan wuxuu muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay, isla markaana wakhtiyo kala duwan xilal kasoo qabtay Somalia, wuxuuna Alle uga baryaa inuu naxariistiisa Jannaayo uu ka waraabiyo marxuumka,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Dhanka kale, RW Sharma;arke ayaa sheegay in Marxuumku uu soo noqday Danjirihii ugu Horreeyay ee Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva u Fadhiya Soomaaliya, uuna sidoo kale Xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyay ee Dalka soo maray ka hor burburkii.

Ugu dabmeyn, Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay mas'uuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana

TAARIIKHDII IYO XILALKII UU KASOO QABTAY DOWLADIHII SOMALIA;

Marxuum danjire C/llaahi Said Osman ayaa muddo dheer kusoo jiray siyaasadda, wuxuuna ahaa Mas’uul si xeel-dheer u yaqaan sharciga iyo siriirka caalamiga ah, wuxuuna ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Hull oo uu ka Qaatay Shahaadada Qaanuunka LLP (Hons), isagoo ku Takhasusay Qaanuunka Caalamiga ah iyo midka Shirkadaha (Public International law and Mercantile/Corporate law).

Sannadkii 1963-kii ayuu helay darajada Barrister oo tilmaameysa inuu yahay sharci-yaqaan Garsoore ah. Isagoo Waxbarashadiisii Jaamacadeed kusoo qaatay Britain, kaddibna wuxuu kusoo laabtay dalka si uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

1991 illaa 1995: Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Midnimada Afrika (OAU)
1984 illaa 1990: Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta QM ee New York
!976  illaa 1984: Danjiraha iyo Wakiilka Somalia u fadhiya xafiika QM ee Geneva.
!970  illaa 1976: Garyaqaanka Guud ee Dawladda (Avvocato Generale dello Stato)
1968 illaa 1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaalada.
1966 illaa 1968: Agaasimaha Waaxda Caddaaladda.
Sanadkii  1964: Xaghayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya