4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2016
Wiil uu dhalay Imaam Max'uud Imaam Cumar oo beeniyay War Warbaahinta qaarkeed ay baahisay


Khamiis, Janaayo 28, 2016 (HOL) — Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah wiil uu dhalay Imaamkii hore ee Mudulood ayaa maanta beeniyay in Imaamnimo loo Duubay, isagoo xusay in warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Shabakaddaha Af Soomaaliga wararka ku baahiya.

Daahir Imaam Maxamuud oo maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in Wararka ay Qoreen Bishaan 24-keedii Website-yada Soomaalida ay yihiin kuwo aanay Waxba ka jirin oo been ah.

“Anigoo ah Daahir Imaam Maxamud waxaan halkan ka cadeynayaa in warar kusoo baxday Website-yada Soomaalida qaarkood 24-kii bishaan Jannaayo oo lagu sheegay in Imaam loo duubayo, taasina wax jira ma ahan,” ayuu yiri Daahir.

Sidoo kale, Wuxuu hadalkiisa ku daray. “Arrinta Imaam duubidda Qoyska howsha iska leh ayay u taallaa ee aniga iima taallo, xilliga iyo qofka la dubaayana iyaga ayay u tallo, Warka la baahiyayna waa mid la doonayo in sumcadeyda wax loogu dhimo.”

Ugu dambeyn, Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa sheegay in magaca Imaamka waa mid misaan culus leh, waxaana go’aan ka gaaristiisa ay u taallaa beesha, lamana aqbali doono in qof walba wixii ay doonto iska sheegto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya