4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
Madaxweynaha Puntland oo Shaaciyay in ay ka baxeen Shirkii Wada-tashiga Doorashooyinka


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo gellinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay Puntland isaga baxday shirkii wada-tashiga doorashooyinka dalka ka dhici doonta Sannadkan 2016-ka dhammaadkiisa, kaasoo u socday madaxda dowladda federaalka iyo Hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada dalka.

C/weli Gaas ayaa sheegay in uu Qoonsaday go’aan ay Madaxda Dowladda Soomaaliya soo saareen ayna ku raaceen Xubnihii Beesha Caalamka ka socday oo uu ugu horreeyo ergayga cusub ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Go’aankaas oo uu ku sheegay in aysan ahayn middii ay Shacabka Puntland u soo wakiisheen.

“Anigoo ku hadlaya magaca Puntland, waxaan doonayaa inaan caddeeyo in go’aankaas uu yahay mid aanan aqbalin, madaxweyne ahaana aysan shacabka Puntland ii soo wakiilan in aan u soo qaado,” ayuu yiri C/weli Gaas oo intaa ku daray. “Shacabka Puntland horay ayay u codeeyeen wayna soo bandhigeen aragtida ay qabaan, Anna waxaan halkan u imid inaan codkooda halkan keeno.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkiisa ku daray in waxa la isku hayo aysan ahyn gobol diiddan gobol kale ama beel doonaysa inay beel kale wax ka badsato, balse ay tahay masiir ummadeed, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay in la yiraahdo habkii Qabaliga ahaa ayaa wax lagu qaybsanayaa.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rajeynayeen nidaam ka duwan doorashadii sanadkii 2012-kii ka dhacday dalka, sidaa awgeed nidaamka hadda la doonayo in wax lagu dhaqo ee qabiilka ku dhisan ma ahan mid dadka Soomaaliyeed u hiillinaya, mana gaarsiinayo Dowladnimadii dhabta ahayd ee ay u baahnaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray C/weli Gaas.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa intaa raaciyay in Shacabka Puntland uu Talada ku celinayo, maadaama ay ka talinta masiirkooda ay tahay mid iyagu ay leeyihiin, taladuna ay iyaga ka go’do.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland oo la weydiiyay waxyaabaha ay qoonsadeen ee ay shirka uga baxeen, ayaa wuxuu ku jawaabay in uusan hor-dhicayn, iyagana ay Go’aankaas ay dowladdu sii dayn doonto.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in Waxyaabaha uu Madaxweynaha Puntland uga baxay shirka ee uu qoonsaday ay ka mid tahay in baarlamaanka soo socda lagu so xulo habka 4.5-ka ah, halka baarlamaanka sarena la shaaciyay in lagu soo xulo hab deegaaneed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya