4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
FAAHFAAHIN: Weeraradii ka dhacay LIIDO iyo Al-shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadooda


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Ugu yaraan Shan ruux ayaa ku geeriyootay, 20-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen Weerarro isugu jiray Qaraxyo iyo kuwo Toos ah oo ay Al-shabaab caawa fiidkii ku qaadday Baarka LIIDO Sea Food oo ka mid ah baararka ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarrada uu ku jiro wariyihii Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da uga warami jiray Muqdisho, Maxamed Ibraahim Macalimu, iyadoo la sheegay inuu dhaawucu kasoo gaaray madaxa.

Raadiyaha ku hadla afka Al-shabaab ee Andalus ayaa baahiyayin weerarkaas ay mas’uul ka tahay Al-shabaab, iyagoo sheegay in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerareen baar ka mid ah baararka ku yaalla xeebta Liido.

“Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarkaas ka dambeeyay, Waxayna Gudaha u galeen Baar ku yaalla Xeebta Liido, welina Howl-galkuna wuu ka socdaa,” ayaa yiri Afhayeenka Howl-gallada ee Al-shabaab, Sh. Abu-Muscab oo Warbaahinta hadal kooban siiyay.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegay inay beegsadeen mas’uuliyiin dowladda FS ka tirsan oo Baarkaas ku sugnaa, iyagoo xusay inay ka dhasheen Weerarradaan khasaare lixaad leh.

Weerarradan ayaa ku billowday Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho oo dhan laga maqlay, iyadoo ay xigtay in kooxo hubeysan oo dhanka xeebta ka yimid ay gudaha u galeen Baarka oo ay dad badan ku sugnaayeen, halkaasoo ay rasaas ka billaabeen, waxaana saacad kaddib dhacay qarax kale oo weyn.

Faarax C/lle oo ka mid ah saraakiisha booliiska Somalia ayaa Reuters u sheegay in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay Gudaha u galeen Liido Sea Food, kuwaasoo rasaas ku billaabay dadkii ku sugnaa gudaha Baarka.

“Qarax weyn ayaa dhacay, kooxo hubeysan ayaana markiiba Gudaha u galay Maqaayadda, Saacad kaddibna waxaa dhacay Qarax kale oo weyn, Xilligaasoo ay Dableydu Gudaha ugu jireen Baarka,” ayuu sarkaalku yiri.

Goob-joogayaal ku sugnaa Xeebta Liido xillliga ay Weerarradan dhacayeen ayaa iyagana u sheegay warbaahinta in dadkii ku sugnaa baarka la weeraray ay qaar ka mid ah ka boodeen darbiyada, kuwo kalena ay ka baxeen albaabo kale oo uu baarku leeyahay.

Dhanka kale, Weerarradaan ayaa waxay Noqonayaa kuwii ugu Cuslaa oo tan iyo markii uu dhashay Sannadkan cusub ee 2016-ka ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho, iyadoo xiligaan ay Xeebta LIIDO ku sugan ciidammo badan oo ka tirsan kuwa DF Somalia iyo AMISOM.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Ammaanka Dowladda federaalka Somalia ayaa wax war ah weli kasoo saarin Weerarradaan Caawa fiidkii ka dhacay Xeebta Liido oo ah goob ay dadweyne fara badan ku Fiidsadaan tagaan xilliyada Habeenkii ah, kuwaasoo ay u badan yihiin dadka kasoo laabtay dibadaha dalka ee loo yaqaanno Qurbo-joogta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya