4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Kenya oo Qorshaynaysa in Sannadkan ay 50,000 oo Qoxooti Soomaaliyeed ah ku celiso Dalkooda


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa la sheegay iney sannadkan cusub ee 2016-ka ay Qorsheyneyso in ay dib ugu celiso Soomaaliya Qaxooti Tiradoodu ay gaarayaan 50,000 oo ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya.

Haron Komen oo ah Guddoomiyaha Waaxda Arrimaha Qaxootiga u Qaabilsan Dowladda Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DRA (Department of Refugee Affairs), ayaa shalay sheegay in arrinta dib u celinta qaxootiga ay tahay mid daba-socota shirweynihii ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium, bishii Oktoobar ee Sannadkii hore.

Komen oo la hadlayay maamulka, saraakiisha booliiska, saraakiisha socdaalka, saraakiil ka tirsan xafiiska agaasimaha xeer-ilaalinta guud Kenya oo ka wada qeyb galay aqoon-kororsi laba maalmood socday oo lagu wadaagaayay macluumaadyo la xiriiro amaanka, socdaalka iyo xeer ku saabsan Arrimaha Qaxootiga, Tahriibinta Dadka iyo dib u celinta oo ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in 99.9% Qaxootigu ay yihiin muwaadiniin u hogaansan sharciga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay iney taageeri doonaan qaxootiga iskood u dib ugu noqonaayo balse aysan jirin doonin qasab, wuxuuna xaqiijiyay in 10.74 bilyan oo lacagta Kenya ah loo qoondeyay in dib loogu celiyo Qaxootigaas. Isagoona sheegay in 20% Qaxootigaas ay sii joogi doonaan Kenya.

Komen, ayaa sidoo kale cadeeyay in qaxooti dhan 7.025 ay dib ugu laabteen Soomaaliya. Wuxuuna intaas ku daray in weerarkii Jimcihii aynu soo dhaafaynay lagu qaaday xerada Ciidamada difaaca Kenya ay ku lahaayeen gobolka Gedo in aynan hakin doonaa dib u celinta qaxootiga.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay bishii December ee sanadkii hore in Kenya ay marti-galineyso in ka badan 400,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

Xerada Qaxootiga ee xeryaha Dhadhaab oo ah meesha ugu badan ee ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed, ayaa saraakiisha ammaanka ee Kenya waxey ku tilmaameen iney hooy u tahay argagaxisada ka dib weerarkii Al -Shabaab ay ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarisa bishii April ee sannadkii hore.

Kenya ayaa weeraro badan oo dalkeeda ka dhacay kaddib waxey go'aamisay dib u celinta qaxooti tiro badan oo Soomaaliyeed, iyadoona shir arrintaas looga hadlay oo ka dhacay magaalada Brussels ay ka wadaa qeyb galeen Amina Mohamed oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya iyo Joseph Nkaissery oo isaguna ah Amniga Gudaha ee Kenya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya